Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Waa Midka Kaliya Ee Joojin Kara” Rio Ferdinand Iyo Gary Neville Oo Isku Raacay Magaca Difaaca Kaliya Ee Joojin Kara Kylian Mbappe

by Abdiwahab Ahmed
December 1, 2022
1
“Waa Midka Kaliya Ee Joojin Kara” Rio Ferdinand Iyo Gary Neville Oo Isku Raacay Magaca Difaaca Kaliya Ee Joojin Kara Kylian Mbappe

Difaacyahannadii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand iyo Gary Neville ayaa isku raacay difaaca kaliya ee joojin karaya weerarayahanka xulka qaranka France ee Kylian Mbappe oo saddex gool dhaliyey labadii ciyaarood ee ugu horreeyey.

ADVERTISEMENT

Rio Fernand ayaa waxa uu sheegay, in uu jiro hal difaac oo kaliya oo dunida waqtigan jooga oo u babbac-dhigi karaya Kylian Mbappe isla markaana u diidi karaya inuu goolal dhaliyo, waxaana fikirkaas ku waafaqay kabtankii hore ee Manchester United ee Gary Neville oo isaguna si weyn u amaanay Mbappe.

Kylian Mbappe oo beddel waqti dambe ah kusoo galay ciyaartii xulka qaranka France uu guul-darraystay ee Arbacadii ay Tunisa 1-0 kaga badisay, ayaa waxa uu sameeyey isku-dayo badan oo uu xulkiisa kaga badbaadinayay guul-darrada, balse nasiibka ayaa diiday, inkasta oo ay kaalinta koowaad kaga soo baxeen Group C.

Labadii ciyaarood ee Australia iyo Denmark ayaa uu saddex gool dhaliyey, waxaana uu Mbappe hadda ka mid yahay ciyaartoyda hoggaaminaysa kabta dahabka ah ee gool-dhalinta Koobka Adduunka , waxaana haddii ay France usoo gudubto wareegga siddeedda oo ay soo dhaafto Poland ay waajihi karta xulka qaranka England, waana sababta keentay in Rio Ferdinand iyo Gary Neville ay waqtiga hore usii daraaseeyeen difaaca  kaliya ee joojin karaya Mbappe.

ADVERTISEMENT

Rio iyo Gary oo ka hadlayay telefishanka Sky Sports ayaa waxay sheegeen, in difaaca kaliya ee xidhi karaya Mbappe in uu yahay difaaca midig ee xulka qaranka England ee Kyle Walker, kaas oo leh xawaare orod oo dheereeya iyo awood jidheed oo uu Mbappe ugu babbac-dhigi karayo.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

“Bal eeg suurtogalnimda isku-dhaca iman karaya. Waa France iyo England. Waa Mbappe vs Walker. Waxa aanu haysanaa difaaca midig ee ugu habboon ee joojin karaya Mbappe, haddiiba ay jirto cid joojinaysaa. Awood jidheed, orod iyo khibrad uu ku joojiyo Mbappe ayuu leeyahay Kyle Walker.” Ayaa uu yidhi Rio Ferdinand.

Gary Neville oo isaguna hadalka Ferdinand sii tixraacayay ayaa yidhi: “Haa, Kyle waa ciyaartoy aad u wanaagsan, waxa uu leeyahay tayo iyo khibrad uu ku joojin karayo.”

ADVERTISEMENT
Share583Tweet364
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Comments 1

  1. Zalmaan says:
    2 months ago

    Ingiris xabo falenqeyal sports malehe naga dhaafa

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.