Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Waa Maxay Sababta Xiddiga Argentina Ee Julian Alvarez Loogu Naanayso ‘Caarada’?

by Abdiwahab Ahmed
December 15, 2022
1
Waa Maxay Sababta Xiddiga Argentina Ee Julian Alvarez Loogu Naanayso ‘Caarada’?

Dabaal-degyadii ka dhacay caasimadda Argentina ee Buenos Aires markii uu xulkoodu u gudbay finalka Koobka Adduunka, waxay geesigii da’da yaraa ee labada gool dhaliyey ee Julian Alvarez ugu yeedheen ciyaartoyda iyo taageereyaashuba magaca ‘The Spider’ ama ‘Xiddiga Xuubka Caarada’, waxaanay barbar-dhigeen halyeygii dalkaas ee Mario Kempes oo ahaa geesigii 44 sannadood ka hor u qaaday Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Kempes wacdaro ka dhigay ciyaartii finalka Koobka Adduunka ee 1978kii, waxaana uu xerada ganaaxa ku burburiyey difaacyahannada Holland iyadoo laba jeer uu shabaqa soo taabtay kulankii ka dhacay Estadio Monumental oo ay 2-1 ku badisay Holland oo sidaas ku qaadday Koobka Adduunka.

Julian Alvarez ayaa isaguna garoonka Lusail Stadium ku burburiyey difaacyahannada Croatia oo uu laba jeer ka baxsaday, laba goolna ka dhaliyey, halka sidoo kale lagu galay rikoodhe uu gool u beddelay.

Taageereyaasha iyo ciyaartoyda Argentina ayaa waxa uu 22 jirkani soo xasuusiyey Kempes oo sidoo kalena lagu naanaysi jiray The Spider, waana sababta ay ugu bixiyeen naanaystan ee loogu yeedhay kaddib guushii ay ka gaadheen Croatia fiidnimadii Salaasada.

ADVERTISEMENT

Arrinta kale ee keentay in The Spider ama xiddiga xuubka caarada loogu yeedho Julian Alvarez ayaa waxay tahay sida uu kubadda u maamulo marka ay lugtiisa soo gasho, taas oo ay taageereyaashu ku doodaan in la moodo in ay kubaddu ku dhacday xuub caaro oo aanay ka bixi karin.

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023

Julian Alaverz oo bishii January ay Manchester City kasoo iibsatay River Plate ayaa 25 ciyaarood oo uu u saftay kooxdiisa hore waxa uu u dhaliyey 17 gool, ka hor intii aanu Pep Guardiola ansixin in £14 milyan oo Gini ay City u hurto.

Si kastaba ha ahaatee, Argentina oo ku guuleysatay Koobka Adduunka sannadihii 1978kii iyo 1986kii ayaa raadinaysa markeedii saddexaad. Saddex jeer oo hore oo ay finalka yimaaddeen ayaa Koobka laga qaaday waxaanay ahaayeen 1990kii iyo 2014 oo uu Jarmalku ku garaacay kulankii ugu dambeeyey iyo 1930kii oo Uruguay ay 4-2 kaga badisay.

ADVERTISEMENT
Share331Tweet207
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Comments 1

  1. Mahamouud says:
    2 months ago

    Walahi.laacib.hadaa.tihiin.taageero
    Arsenal tihiin
    Arsenal.arsenal.markastoo.warbixinada
    Arsenal….ku hadleysaan.bal.eeghada

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.