Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Waa Maxay Sababta Uu Sir Alex Ferguson Farriinta Hambalyada Ah Ugu Diray Jurgen Klopp Ka Hor Ciyaarta Chelsea?

by Abdiwahab Ahmed
January 21, 2023
0
Waa Maxay Sababta Uu Sir Alex Ferguson Farriinta Hambalyada Ah Ugu Diray Jurgen Klopp Ka Hor Ciyaarta Chelsea?

Tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa farriin hambalyo ah u diray Jurgen Klopp ka hor ciyaarta Liverpool iyo Chelsea ee Anfield, taas oo noqonaysa kulankii 1,000aad ee uu Jurgen Klopp yahay tababare.

ADVERTISEMENT

Klopp ayaa buuxiyey tirada afar god ee tababarenimada, waxaana uu taariikhdan ku samaynayaa kulanka Chelsea ee Anfield oo uu u dagaallami doono inuu guuleysto si ay diiwaankiisa ugu gasho taariikh ah inuu guul kusoo xidhay tirada 1,000 ciyaarood oo uu tababare ahaa.

Sir Alex Ferguson oo lagu tilmaamo tababarihii ugu wanaagsanaa ee Manchester United, ayaa xafiiltankii ugu adkaa waxa uu soo dhaxmaray Liverpool, gaar ahaan bilowgii waayihiisa Old Trafford oo ay Liverpool ahayd kooxda ka  talisa horyaalka Ingriiiska.

Ferguson oo ka mid ah tababareyaasha ugu waqtiga dheeraa ayaa waxa uu macallin ahaa 2,062 ciyarood, waxaana uu hambalyo u diray Jurgen Klopp oo qoraal uu u diray uu ku yidhi: “Waxa aan ku faraxsanahay in aan ugu hambalyeeyo Jurgen Klopp in uu 1,000 ciyaarood tababare ahaa.

ADVERTISEMENT

“Jurgen waxa uu shaki la’aan ka  mid yahay tababareyaasha ugu hibada badan kubadda cagta, waxaanu leeyahay samir iyo dulqaad suurtogal uga dhigay inuu noqdo tababare lagu daydo. Koobab badan oo ay ku jiraan Chakpions League iyo Premier League ayuu kusoo guuleystay, waxayna caddaynaysaa inuu ka mid yahay tababareyaasha haldoorka ah ee kubadda cagta.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Jurgen Klopp oo ay da’diisu tahay 55 jir ayaa waxa uu sannadkii 2001 ka bilaabay tababarenimada kooxda reer Germany ee Mainz oo uu muddo toddoba sannadood ah laylinayay, waxaana uu usii dhaafay Borussia Dortmund sannadkii 2008 isaga oo laba jeer u qaaday horyaalka Bundesliga. Toddoba sannadood oo uu joogay Dortmund kaddib, waxa uu sannadkii 2015 usoo wareegay Liverpool oo uu u qaaday koobkeedii lixaad ee Champions League ah, iyadoo sannadkii 2020 uu soo afjaray 30 sannadood oo ay Reds ka qatanayd horyaalka Premier League.

ADVERTISEMENT
Share331Tweet207
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.