Kylian Mbappe ayaa garoonka isaga tagay ka dib guushii ay France ka gaartay Denmark inkastoo uu ku guuleystay abaalmarinta xiddiga garoonka. Waxay aheyd abaalmarin uu u qalmay ka dib labadii gool ee uu dhaliyay.
Weeraryahanka PSG ayaa dhexmaray goobta warbaahinta loogu talogalay isagoo dhoolacadeynaya laakiin wuxuu diiday inuu la hadlo warbaahinta Koobka Adduunka.
Ilaa todoba ciyaaryahan oo xulka France ka tirsan ayaa la hadashay warbaahinta, kuwa ay qasab ku aheyd iyo kuwa aysan qabsan ku aheynba. Kabtan Hugo Lloris mar walba warbaahinta wuu la hadlaa waxaa iyagana wareysiyo bixiyay Aurelien Tchouameni, Antoine Griezmann, Jules Kounde, Olivier Giroud, Dayot Upamecano iyo Raphael Varane.
FIFA ayaa qasab ka dhigtay in xiddiga ku guuleysta laacibka garoonka uu la hadlo warbaahinta taasoo ka dhigeysa in Mbappe uu wajaho ganaax uga yimaada FIFA.
Laakiin ciyaaryahanka iyo xiriirka kubada cagta Faransiiska ayaa aqbali doona ganaax kasta oo dhaqaale oo ay FIFA soo rogto.
Kulankii ugu horeysay ee Australia, FIFA waxay u digtay xiriirka kubada cagta Faransiiska madaama Mbappe uu diiday inuu warbaahinta la hadlo, wuxuu hadana ku celiyay kulankii Denmark ee shalay, sidaasi darteed FIFA waxay ku soo rogi doontaa ganaax dhaqaale wixii hadda ka danbeeya.
Xiriirka kubada cagta Faransiiska ayaana diyaar u ah inay lacagta ganaaxa ka bixiyaan laacibkooda seddexda gool durbaba ka dhaliyay Koobka Adduunka.
Xiriirka ayaa ku taageersan Mbappe go’aanka uu uga aamusayo warbaahinta, sababtoo ah waxay ogsoon yihiin in su’aalo laga weydiin doono mustaqbalkiisa PSG mana doonayaa in xaaladiisa kooxeed ay saameyn ku yeelato diiradooda Koobka Adduunka.
Mbappe ayaa ogsoon in wax walba uu sheego in laga sarre mari doona xulka qaranka France, mana doonayo inuu ku mashquulo kooxdiisa PSG xilli uu la joogo xulkiisa France.