Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Waa Maxay Sababta & Sirta Ka Dambaysa In Jude Bellingham Uu No.22 U Xidho Xulka England & Borussia Dortmund

by Abdiwahab Ahmed
December 9, 2022
0
Waa Maxay Sababta & Sirta Ka Dambaysa In Jude Bellingham Uu No.22 U Xidho Xulka England & Borussia Dortmund

Jude Bellingham waa mishiinka khadka dhexe iyo sirta ku jirta xulka qaranka England ee Koobka Adduunka, waana laacibka ugu wanaagsan ee illaa hadda ku jira ciyaartoyda dalkaas marka laga eego dhinac walba. Kulankii Senegal ee wareegga 16ka ayaa uu mar kale soo bandhigay ciyaar aad u sarraysa oo aanu jirin qof kale oo kala sinnaa oo ku jiray garoonka.

ADVERTISEMENT

19 jirkan oo xilli ciyaareedkan si fiican kula bilowday Borussia Dortmund ayaa qaab ciyaareedkiisii Bundesliga ula soo baqoolay Qatar oo uu halkiisii kasii waday.

Mrka laga hadlayo ciyaartoyda ugu wanaagsan ee uu tababare Gareth Southgate u diyaarsanayo ciyaarta Faransiiska ee Sabtida, waxa ugu horreeya Bellingham oo ah mishiinka ay tahay in uu joojiyo Antoine Griezmann, Adrien Rabiot iyo Aurelien Tchouameni, halka ciyaartoyda kalena ay sugayso shaqo ah inay xidhaan Mbappe iyo Ousmane Dembele.

Jude

ADVERTISEMENT

Arrinta xiisaha leh ee noqotay su’aasha ay maanta saxaafadda Ingiriisku is-weydiinayaan ayaa waxay tahay sababta uu Bellingham u doortay inuu No.22 u xidho xulka qarankiisa England iyo sidoo kale kooxdiisa Borussia Dortmund, isaga oo awooda oo inta badan ka ciyaara booska No. 4, 8 ama 10, kuwaas oo ay ahayd inuu midkood qaato lambarradooda.

Sidoo Kale Akhri

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

February 7, 2023

Mike Dodds oo ah tababarihii hore ee da’yarta kooxda Birmingham ee uu kasoo baxay Bellingham, ayaa ka sheekeeyey sababta iyo sirta ka dambaysa in uu Bellingham xidho No.22, waxaanu yidhi: “Waxay da’diisu ahayd 13 ama 14 jir, inta badan carruurta da’daas ahna waxay doonaan No10.

“Waxa aan xasuustaa in aan meel la fadhiistay oo aan ku idhi, ‘waxa aanu ku fikiraynaa in aad qaadato No.22.’ Kor ayuu eegay, waxaananu ogeyn in aanu ka cadhoonay. Maalintii xigtay ayuu noo yimid, waxaana uu nagu yidhi, ‘waxa aan doonayaa in lambarkayga kooxdu uu noqdo No22’. Sidaas oo kale ayuu ku yidhi Borussia Dortmund.”

ADVERTISEMENT
Share278Tweet174
ADVERTISEMENT

Related Posts

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijiyey, in xiddiga reer Brazil ee Antony uu ku biiray liiska ciyaartoyda dhaawaca...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.