Ciyaarta caawa ee wareegga saddexaad ee FA Cup ee Liverpool iyo Wolves ayaan laga daawan doonin telefishankaa ITV1 ee haysta xuquuqda baahinta ee gudaha UK, kaddib markii ay ka doorteen barnaamij kale oo ay dadku xiiseeyaan oo ku beegmay waqtiga ciyaarta.
Liverpooloo raadinaysa inay kusoo laabato jidka guusha ee ay ka tuurtay Brentford Isniintii, ayay taageereyaashooda gudaha UK heli doonaan meelo kale oo aan ahayn ITV1 oo ay ka daawan doonaan ciyaarta, waxaana loo raray ciyaartooda janal kale oo ay ka daawan doonaan.
Telefishanka ITV oo sidoo kale baahinaya kulamada Leeds United vs Cardiff City, Arsenal vs Oxford ayaa waxa kale oo uu haystay xuquuqda baahinta ee ciyaartii ay Manchester United 3-1 ku karbaashtay Everton Jimcihii.
Jamaahiirta Liverpool ayaa loo sheegay in aanay ku hungoobin ITV1 caawa, isla markaana waqtigii ciyaarta laga baahin doono barnaamijka Ant and Dec oo socon doona 7pm illaa 8:30pm xilliga UK, halka ciyaartuna ay bilaabmayso 8pm saacadda UK oo waqtiga Geeska Afrika ka noqonaysa 11pm fiidnimo.
Madaxda telefishanka ITV ayaa sheegtay, in ay go’aansadeen in ciyaarta Liverpool aan laga baahin ITV1, waxaanay ku doodeen in ay u arkaan in barnaamijkan kale ee Ant and Dec uu aad uga muhiimsan yahay, laakiin ay samayn doonaan in ciyaarta oo ku-celis ah saacado kaddib ay kasoo gasho janalkan.
War-saxaafadeed uu ITV soo saaray ayaa lagu sheegay, in ciyaarta Liverpool iyo Wolves laga daawan doono ITV4 oo ah janal aanay jamaahiirta labada kooxood ka filayn in ay ciyaartoodu kasoo geli doonto.