Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Waa Maxay Sababta Dib Loogu Dhigay Waqtiga Uu Cody Gakpo U Ciyaarayo Liverpool?

by Abdiwahab Ahmed
December 29, 2022
0
Waa Maxay Sababta Dib Loogu Dhigay Waqtiga Uu Cody Gakpo U Ciyaarayo Liverpool?

Jurgen Klopp ayaa doonaya in lasoo dedejiyo waqtiga uu Cody Gakpo u ciyaarayo Liverpool kaddib markii ay heshiiskiisa si rasmi ah loogu dhawaaqay xalay, hase yeeshee laacibkan ayaa loo diiday oo dib loo dhigay xilliga uu ciyaartiisa koowaad dheeli doono.

ADVERTISEMENT

Cody Gakpo ayaa muddo tababarka kooxdiisa la qaadan doona oo aan u ciyaari doonin, inkasta oo Arbacadii uu ka gudbay tijaabada caafimaadka sidoo kalena uu lasoo bandhigay oo uu qandaraas lix sannadood ah qalinka ku duugay.

Xiddiga reer Netherlands oo saddex gool kasoo dhaliyey Koobkii Adduunka ayaan waqti badan oo tababar ah u baahnayn maadama aanu fasax dheer gelin, hase yeeshee haddana waxa dib loo dhigay xilliga uu ciyaartiisa koowaad u safanayo Reds.

Labada ciyaarood ee adag ee Leicester City oo Jimcaha ah iyo Isniinta oo ay la dheeli doonaan Brentford ayaa loo sheegay Gakpo in aanu ciyaari doonin, sida ay saxaafadda Ingiriisku ku warramayso, taas oo ka hor imanaysa wixii uu tababare Jurgen Klopp doonayay.

ADVERTISEMENT

23 jirkan oo Khamiista maanta tababarka buuxa la bilaabaya kooxdiisa Liverpool ayaa waqti ku filan u haysta in uu iskugu diyaariyo ciyaarta Brentford ee London ay kooxdiisu safarka ku tegayso, hase yeeshee waxa uu hadda isku diyaarin doonaa ciyaarta January 7 ee FA Cup ee Wolves.

Sidoo Kale Akhri

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023
“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

January 28, 2023

Sababta aanu Gakpo dib loogu dhigay waqtiga uu Gakpo kulankiisa koowaad u ciyaarayo Liverpool ayaa lagu sheegay in diiwaangelintu aya furmayso January 1, waana xilliga ay Reds gudbinayso liiska ciyaartoydeeda kulanka Brentford, taas darteedna waxa uu shaki ku jiraa in diiwaangelintiisa laga gaadhsiinayo.

ADVERTISEMENT
Share318Tweet199
ADVERTISEMENT

Related Posts

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay mustaqbalka kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard iyo sida uu horyaalka La...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.