Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa luminsaya weeraryahan kale oo ay doonaysay inay la saxeexato bishan January, waxaana qarka u saaran oo uga hormartay Atletico Madrid.
United oo hore loogu garaacay saxeexyada Joao Felix iyo Cody Gakpo ayay inkaar ka haysataa suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanay u muuqdaan in looga hormarayo ciyaartoy kale oo uu indhaha ku hayay tababare Erik ten Hag.
Tababare Erik ten Hag oo ay ka go’an tahay inuu helo weeraryahan inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, si ay ugu tartamaan kaalmaha sare ee horyaalka Premier League ee ay ku jiraan kaalinta afraad, ayaa waxa markii ay waayeen Cody Gakpo iyo Joao Felix, waxay u jeedsadeen dhawr gool-dhaliye oo kale oo ay kala dooranayeen iyaga oo fiirsanaya sida ay ugu kala fudud yihiin fursadaha helistooda iyo tayadoodaba.
SportItalia ayaa xaqiijisay, in weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay oo ku jiray xiddigihii uu Erik ten Hag doonayay, in uu qarka u saaran yahay inuu tago Atletico Madrid oo iibkiisa kala xidhiidhay Barcelona.
Atletico ayaa u dhaqaaqday saxeexa Memphis Depay markii ay ogolaadeen in xiddiga reer Portugal ee Joao Felix uu amaah ku tago Chelsea.
Warka ayaa intaa ku daray, in Atletico ay amaah ama iib labadaba ku raadinayso Memphis Depay oo sannadkii 2021 ay Barcelona qaab xor ah ugala soo wareegtay Lyon.
Si kastaba ha ahaatee, Memphis Depay oio usoo ciyaaray Manchester United intii u dhaxaysay 2015 illaa 2017, una dhaliyey toddoba gool 53 ciyaarood oo uu u saftay ayaa hadda u muuqda in aanay Red Devils calfan doonin damacii kaga jiray in markii labaad ay kusoo celiyaan Old Trafford.