Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Waa Maxay Arrinta Uu Pep Gurdiola Adka Uga Cabsanayo Ee Uu Erik ten Hag Kusoo Kordhiyey Manchester United?

by Abdiwahab Ahmed
September 30, 2022
0
Waa Maxay Arrinta Uu Pep Gurdiola Adka Uga Cabsanayo Ee Uu Erik ten Hag Kusoo Kordhiyey Manchester United?

Ciyaartii Leicester City ee horraantii bishan ee King Power Stadium, Harvey Barnes ayuu ahaa ciyaartoygii garabka midig baaba’saday ee dhibaatada badan ku keenay Diogo Dalo. Markii uu difaaca reer Portugal kubbad xerada ganaaxa dhexdeeda ahayd isku-dhigay ayuu dabbaal-degay, ka hor intii aanu ku guuleysanin in uu sameeyo goolka guusha.

ADVERTISEMENT

Erik ten Hag ayay u ahayd maalin adag, laakiin ugu dambayntii uu qosolka la hoyday oo ay kooxdiisu bandhig fiican iyo saddex dhibcood isku darsaday. Lisandro Martinez ayaa ciyaartaas xabbadka garaacday oo muujiyey qaab-ciyaareed fiican, sida kubbadaha sare oo uu ku adkaaday, iyo in aanu ka gabbanayn khataraha  oo uu isku dhigayay. Waxa kale oo is-muujiyey Raphael Varane, Scott McTominay iyo Diogo Dalot.

Tababaraha reer Netherlands oo ay kooxdiisu maalmihii ugu dambeeyey si adag iskugu diyaarinayeen kulanka Manchester Derby ee ay Axadda ku booqan doonaan Etihad Stadium kooxda horyaalka difaacanaysa ee Manchester City, waxa Ten Hag uu qolka labbiska United keenay hal arrin oo ka cadhaysiisa Pep Guardiola oo uu doonayo in kooxdiisu la tagto Etihad Stadium.

Sida laga arkay tababarkii Khamiistii iyo Arbacadii ee ciyaartoydii waqtiga hore kasoo laabtay kulamada caalamiga ah iyo kuwii sii joogay, Erik ten Hag ayaa waxa uu kooxdiisa u carbinayay in ay noqoto mid dhiirran oo sidii dagaal oo kale ku ciyaaraysa kulanka.

ADVERTISEMENT

Waxa ciyaartoyda sida gaarka ah indhuhu u hayeen ka mid ahaa Lisandro Martinez oo caadifaddiisa iyo dhiiggiisa kulul aan marnaba qarsan karin, waxaase deggenaan iyo khibrad ku ladhayey Raphael Varae oo ciyaartii xulkiisa ee Axaddii la nasiyey.

Sidoo Kale Akhri

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

February 7, 2023

Diogo Dalot oo gool-dhaliye isku beddelay kulamadii xulka qarankisa Portugal ayaa isagana meel gaar ah uu tababaruhu dhegta wax ugu sheegayay, si uu sare ugu sii qaado ciyaartiisa, gaar ahaan difaaca iyo weerarka oo ah labada shaqo ee waaweyn ee laga doonayo in uu qabto kulanka Etihad Stadium.

Arrinta ka cadhaysiinaysa Pep Guardiola ee uu waliba aadka u neceb yahay ee ciyaartoyda Manchester United uu Erik ten Hag ku laylinayay toddobaadkan ayaa ahayd, in cadaadis la saaro ciyaartoyda kasoo horjeedda, in khadka dhexe lagu dagaallamo gaar ahaan kubbadaha sare iyo baaska oo aan la ogolaanin iyo arrinta kale oo ahayd in lagu ciyaaro niyad, isla markaana wax naxariis iyo jixin-jix ah aan loo samaynin ciyaartoyda Manchester City. Waxa kale oo uu Ten Hag ku carbinayay xiddigihiisa in ay ciyaaraan kubbad weerar ah, caadifad ku ladhan tahay iyo in maskaxdooda ay geliyaan in ay ka  adkaanayaan Man City.

Inkasta oo Ten Hag uu ogyahay in Man City ay kaga gacan sarrayn doonto kubbad-haynta, haddana waxa uu ciyaartoydiisa u sheegay in ay jiraan meelo ay iyaguna kaga xooggan yihiin City, sida isticmaalka awoodda jidheed, dhiirranaan lagu dheelo iyo in aan wax fursad ah la siinin. Waxa uu tusaale ugu soo qaatay kulamadii Newcastle United iyo Aston Villa oo waqti hore min laba gool ka dhaliyey Manchester City.

ADVERTISEMENT
Share539Tweet337
ADVERTISEMENT

Related Posts

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijiyey, in xiddiga reer Brazil ee Antony uu ku biiray liiska ciyaartoyda dhaawaca...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.