Laba ciyaartoy oo Chelsea ka tirsan ayaa soo bandhigay qaab-ciyaareed aad u liitay kulankii Manchester City ay 1-0 ku garaacday Khamiistii, waxaanay niyad-jab ku rideen tababarahooda Graham Potter oo qarsan kari waahyey saluugga uu ka qabo labadan ciyaartoy.
Chelsea ayaa kusii negaatay kaalinta tobnaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, waxaanay hadda quus ka taagan yihiin inay hungureeyaan horyaalka, iyadoo hammigooda ugu weyn uu yahay sidii ay afarta sare ku iman lahaayeen.
Manchester City ayaa iyaduna soo gaabisay firqiga dhibcaha ay Arsenal ku hayso hoggaanka oo ay shan dhibcood ka dhigeen, waxaanay arrintaas uga mahad-celinayaan Riyad Mahrez oo beddel ku yimid qaybtii dambe isla markaana saxeexay goolka.
Potter oo ay kooxdiisu kharash garaysay £278 milyan oo Gini xagaagii ayaa waxay haddana tobana dhibcood ka hooseeyaan kooxda kaalinta afraad, iydoo waliba ay marayaan tababarihii labaad oo bishii September shaqada laga caydhiyey Thomas Tuchel.
Potter ayaa uu isagana saaran yahay culays weyn oo la xidhiidha shaqadiisa, waxaana uu marayaa heer la is-weydiiyo waqtiga shaqada laga eryi doono.
Raheem Sterling ayaa daqiiqaddii shanaad kaga baxay dhaawac ciyaartii Man City ee xalay, waxaana lagu beddelay Pierre-Emerick Aubameyang oo isagana qaybtii dambe la saaray markii uu soo bandhigay ciyaar aad u liidata, waxaana booskiisa la keenay da’yarka Omari Hutchinson.
Khabiirka kubadda cagta Chris Sutton ayaa usoo jeediyey Potter in aanu mar dambe ciyaarsiinin Aubameyang, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Graham Potter uu hadda ka fikirayo in aanu Aubemayang mar dambe u ciyaarin Chelsea kaddib bandhiggiisii liitay. Anigu mar walba waan dhalleeceeyaa ciyaartoyda aan dedaalka asamaynin ama muuqaalkooda jidheed aadka u liito, laakiin Aubameyang musiibo ayuu ahaa.
“Waxay ila tahay in aanu wax rajo ah lahayn, mana ah in mar dambe la siiyo wax fursad ah.”
Waxa kale oo uu Chris Sutton canaan u jeediyey difaaca Spain ee Marc Cucurella, waxaanu tilmaamay in aanu u muuqan ciyaartoy ay kooxdu koobab ku guuleysan karayso inta uu isagu ciyaarayo.