Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Waa Kuwan SHANTA Ciyaartoy Ee Manchester United Ay Daawanayso Koobka Adduunka Si Ay Ugu Beddelaan Cristiano Ronaldo

by Abdiwahab Ahmed
November 24, 2022
0
Waa Kuwan SHANTA Ciyaartoy Ee Manchester United Ay Daawanayso Koobka Adduunka Si Ay Ugu Beddelaan Cristiano Ronaldo

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa raadinaysa beddelka Cristiano Ronaldo oo qandaraaskiisa ay burburisay toddobaadkan, kaas oo aan dib ugu soo laaban doonin Old Trafford marka uu dhamaado Koobka Adduunka ee socda.

ADVERTISEMENT

Red Devils ayaa Salaasadii war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay Ronaldo isla garteen in la kansalo qandaraaskiisa oo uu si xor ah uga tago kooxda, kaddib waraysi xanaf badan lahaa oo uu siiyey Piers Morgan oo uu ku eedeeyey Erik ten Hag iyo qoyska reer Glazer.

Ronaldo oo xagaagii isku dayay inuu ku qasbo Manchester United inay iibiyaan amaba fasaxaan ayaa loo diiday balse shan bilood kaddib waxay Red Devils ogolaatay in uu laacibkani si xor ah uga tago, si qolka labbiska ee tababare Erik ten Hag u noqdo mid aanu khilaaf ka jirin.

Shan ciyaartoy ayay Manchester United doonaysaa in midkood u beddelo Cristiano Ronaldo oo ay isku dayi doonaan inay la saxeexdaan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, waxaanay haddaba shaqaalaha waaxda iibka ee Red Devils la socdaan xiddigahan oo ka qayb-gelaya Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Ciyaartoydan ayaa waxa ugu horreeya weeraryahanka kooxda kubadda cagta PSG ee Kylian Mbappe oo bishii May heshiis cusub oo saddex sannadood ah u saxeexay kooxdiisa, waanay adag tahay in Red Devils ay iiban karo maadaama aanay PSG ahayn koox u baahan lacag oo ay ku fadhido qasnadda dawladda Qatar.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Waxa kale oo ay Manchester United si dhow ula socotaa weeraryahanka xulka qaranka Holland iyo kooxda PSG Eindhoven ee Cody Gakpo oo xagaagii ay marar badan isku dayeen inay la saxeexdaan, laakiin ay kooxdiisu shuruudo adag ku xidhay Red Devils.

23 jirkan ayaa gool u dhaliyey xulka qarankiisa kulankii Senegal ee Koobka Adduunka, waxaana uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan afka hore ee weerarka xilli ciyaareedkan marka laga eego goolasha uu dhaliyey iyo kuwa uu caawiyey.

Manchester United ayaa sidoo kale la sheegay in ay shaqaalaheedu daawanayaan weeraryahannada Juventus iyo Inter Milan ee Dusan Vlahovic iyo Lautaro Martinez, waxaana sidoo kale liiska ku jira weeraryahanka xulka qaranka England ee Harry Kane.

ADVERTISEMENT
Share337Tweet211
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.