Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Bundesliga

Waa Kuwan SADDEXDA Kooxood Ee Toos Ugu Dagaalami Doona Dheemanka Croatia Ee Josko Gvardiol

by Apdihakem Omer Adam
December 19, 2022
0
Waa Kuwan SADDEXDA Kooxood Ee Toos Ugu Dagaalami Doona Dheemanka Croatia Ee Josko Gvardiol

DOHA, QATAR - DECEMBER 01: Josko Gvardiol of Croatia during the FIFA World Cup Qatar 2022 Group F match between Croatia and Belgium at Ahmad Bin Ali Stadium on December 1, 2022 in Doha, Qatar. (Photo by James Williamson - AMA/Getty Images)

Sida ay sheegayaan warar cusubi, saddexda kooxood ee kala ah Real Madrid, Manchester City iyo Chelsea ayaa ah kuwa ugu cad cad loolanka loogu jiro da’yarka daafaca dhexe ee xulka Croatia iyo kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol.

ADVERTISEMENT

Gvardiol oo 20 sano jir ah ayaa lagu sifayn karaa daafacii ugu fiicnaa Koobka aduunka isagoo xilli ciyaareedkii hore boos joogto ah ka helay Leipzig isla markaana durba 19 jeer soo metelay dalkiisa.

Dortmund ayaa sanadkii 2020 heshiis 16 Milyan oo euro ah kagala wareegtay Gvardiol kooxdiisii hore ee RB Leipzig, lacagtaas ayaan haatan waxba ahayn oo ay mid saa’id uga badan ka samayn doonaan iibkiisa.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in Gvardiol uusan mustaqbalkiisa fog ka dhex arag Leipzig balse heshiiska uu ku joogo ayaa ah mid gaadhsiisan ilaa 2027 taas oo ka dhigan inuusan joogin boos uu gorgortan ka galo.

ADVERTISEMENT

Sida uu sheegayo wargeyska Mirror, Chelsea ayaa haatan in mudo ah qorshaynaysay inay Leipzig kala wareegto Gvardiol si lamid ah sida weeraryahanka kooxdaas ee Christopher Nkunku oo ay kala heshiisay qiimihiisa xagaaga dambena kusoo wajahan Stamford Bridge.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

Warbixinta Mirror ayaa sheegaysa in Real Madrid qorshaheedu yahay inay xagaaga dambe dalab ka geyso Josko balse Chelsea ay diyaar tahay suuqa January,

Leipzig ayaa haatan kaliya lix dhibcood u jirta hoggaanka horyaalka Bundesliga taas oo adkayn doonta inay badhtamaha xilli ciyaareedka iska iibiso xiddig muhiim u ah.

Ugu dambayn, wargeyska The Sun ayaa isaguna sheegay in Man City ay diyaarinayso dalab guud ahaan 110 Milyan oo pound tagaya oo ay Gvardiol ka gudbinayso.

Josko Gvardiol: The Masked Man + Future of the Croatian Football

ADVERTISEMENT
Share286Tweet179
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.