Ciyaartoyda isku kooxda ah ayaa noqon doona kuwa iska soo horjeeda Jimcaha iyadoo Luka Modric iyo Rodrygo ay isku aadeen wareega 8da Koobka Adduunka ee u dhexeeya Brazil iyo Croatia.
Kabtanka Croatia Modric ayaa ka hor imaan doona tiro saaxiibadiis ah oo Real Madrid ah oo ay ku jiraan Vinicius Jr iyo Eder Militao.
Si kastaba ha ahaatee, xidhiidhka uu la leeyahay Rodrygo aad ayuu uga qurux badan marka loo eego ciyaartoyda kale ee ay isku kooxda yihiin.
Rodrygo oo 21 sanno jir ah waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu da’da yar ee Brazil iyo kooxda Real Madrid. Waxaa cajiib ah in aabihiis uu hal sano ka yar yahay Modric taasna waxa ay ka yaabisay xiddigii hore ee Spurs.
Intaa wixii ka danbeeyay waxay bilaabeen inay isu sheegaan inay yihiin aabbe iyo wiilkiisa.
“Markii uu ogaaday in aabahay uu yahay 35-sano jir, ma uusan rumaysan,” Rodrygo ayaa sidaas ku yiri barnaamij su’aalo iyo jawaabo oo uu kaga qeyb galay Twitter.
“Dabadeed waxa uu ii sheegay in aan ixtiraamo isaga maadaama uu da’ ahaan la mid yahay aabbahay.
“Tan iyo markaas wuxuu had iyo jeer iigu yeeraa wiilkeyga, anigana waxaan ugu yeeraa aabe.”
Modric waxa uu Real ku sugnaa tan iyo 2012kii ka dib markii uu fashil noqday xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay, wuxuu isku bedelay udub dhexaadka Real Madrid ay ku taagan tahay 10kii sannadood ee la soo dhaafay.
Waxa uu sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay Rodrygo sida uu da’ yarka ku sheegay wareysi uu bixiyay sannadkan.
“Runtii wuu i caawiyaa,” ayuu Rodrygo u sheegay website-ka Real Madrid.
“La ciyaarista isaga aad bay u fududahay, marka loo eego tayada uu leeyahay, wuxuu aniga ila mid yahay aabe.”
Modric ayaa 38 jir noqon doona sanadka soo socda, wuxuu ciyaarayaa Koobkiisii Adduun ee ugu danbeeyay.
Xulka Croatia oo finalka gaaray sannadki2 018kii ayaa xaqiijistay in ay u soo gudbeen wareega 8 dhamaadka kadib markii ay rigoorayaal ku garaaceen xulka Japan kuwaasoo iska qasaariyay seddex gool ku laad.
Brazil ayaa iyagana waxay 4-1 ku soo xasuuqeen xulka South Korea.
Labada xul ee Brazil iyo Croatia ayaa semi-finalka isku arki doona Jimcaha 9ka bishaan Disember.