Goncalo Ramos ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee saddexlay ka dhaliya Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar, kaddib markii uu kusoo bilowday ciyaartii Switzerland oo lagu beddelay Cristiano Ronaldo oo kaydka la dhigay.
Ma jiro ciyaartoy kale oo illaa hadda saddex gool hal kulan ka dhaliya Koobka Adduunka ee ka socda Qatar, waxaana ugu horreeyey Goncalo Ramos oo hadda ku hamiyaya inuu ku tartamo kabta dahabka ah, waa se haddii loo daayo booskiisa oo Ronaldo lagu sii hayo kaydka.
Goncalo Ramos ayaa si aad ah la isku weydiinayaa raadkiisii ciyaareed ee sababta u noqday inuu ka mid noqdo xulka Portugal ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka, waxaana xalayba ay warbaahintu dib ugu noqotay taariikhdiisa iyo dariiqii dheeraa ee uu usoo maray Qatar.
Ramos waa 21 jir afka hore ka ciyaara, waxaanu ku dhashay magaalada Olhao ee waddanka Portugal. Waxa uu ka tirsan yahay kooxda Benfica ee dalkiisa oo uu hoggaaminayo gool-dhalinteeda oo uu u saxeexay sagaal gool 11 ciyaarood oo uu saftay. 45 kulan oo uu u saftay kooxda koowaad ee Benfica oo uu ka soo baxay kulliyaddeeda, waxa uu u saxeexay 20 gool.
Waligii hore uguma ciyaarin xulka qaranka Portugal ka hor Koobka Adduunka, waxaana markii ugu horreysay ee loo yeedho ay ahayd bishii November kaddib markii uu dhaawacmay Diogo Jota oo ah xiddiga uu beddelay.
Ciyaartii saaxiibtinimo ee Portugal ay iskugu diyaarinaysay Koobka Adduunka ee maalmo ka hor Koobka Adduunka ay la dheeleen Nigeria ayaa uu qayb ka ciyaaray, waxaanay ahayd markiisii koowaad ee uu xidho garanka xulka Portugal.
Arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay in liiska ciyaartoyda xulka Portugal uu kaga jiro kaalinta 26aad, sababtoo ah waxa uu ahaa laacibkii ugu dambeeyey ee loo yeedho. Kulankii Ghana oo uu waqti dambe beddel ku yimid, waxa uu garoonka kaga baxay waji-gabax iyo isaga oo aan xataa hal mar isku-day gool samaynin.
Taariikhdiisa xulka Portugal waxay ka bilaabantay ciyaartii Switzerland ee xalay inkasta oo labadii ciyaarood ee Ghana iyo Nigeria oo kasii horreysay uu qayb ka ciyaaray balse aanay u ahayn kuwo raad kaga tegay.
Goolkiisa koowaad waxa uu saxeexay daqiiqaddii 17aad oo uu soo taabtay shabaqa Switzerland, labada kalena waxa uu israaciyey daqiiqadihii 51aad iyo 67aad.
Dhamaadka ciyaarta oo ay 16 daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayaa la saaray, waxaana lagu soo beddelay xiddiga uu booska kala baxay ee Cristiano Ronaldo.