Laba ciyaartoy oo kaliya ayaa uu sugayaa tababare Erik ten Hag oo wali kaga maqan Koobka Adduunka, waana Lisandro Martinez iyo Raphael Varane oo difaaca uga ciyaaraya Faransiiska iyo Argentina. Ciyaartoydiisii kale ee tagtay Qatar waxay hadda isku diyaarinayaan in ay dib ugu laabtaan kooxdooda kaddib maalmo nasasho ah.
Jawiga Old Trafford ayaa la hubaa in uu noqon doono mid ka duwan oo ka farxad badan sidii uu ahaa markii ay ciyaartoydu u baxayeen Koobka Adduunka, sababtoo ah waxa intii lagu maqnaa Qatar kooxda ka tegay Cristiano Ronaldo oo la kansalay qandaraaskiisii.
Ronaldo ayaa dhibaato ku ahaa qolka labbiska Man United, sida in aanu ixtiraam u muujinayn tababaraha, maamulka iyo ciyaartoyda kaleba. Bixitaankiisu waxa uu wareejinayaa xiddigii ugu muhiimsanaa ama ugu magaca weynaa kooxda ee hore uu Ronaldo xoogga ugu haystay.
Intii uu Cristiano Ronaldo joogay Manchester United oo ahayd sannad iyo badh, waxa dhibaatoonayay Bruno Fernandes oo ay meesha ka baxday ciyaaartiisii fiicnayd, waxaana sida uu qoray wargeyska MEN uu noqon doonaa ciyaartoyga faa’iidada ugu badanka heli doona bixitaanka Ronaldo.
Fernandes oo Koobka Adduunka laba goolkasoo dhaliyey, saddex kalena caawiyey, waxa lagu tilmaamay inuu ahaa hoggaamiyaha xulka Portugal iyadoo uu kulamadii ugu dambeeyey kaydka fadhiyey Ronaldo. 28 jirkan ayaa uu tababare Erik ten Hag ku dhiirigelin doonaa in bandhiggii wanaagsanaa ee Koobka Adduunka uu ku muujiyo Old Trafford.