Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qolka labbiska kaga sheekaysta sida uu tababare Carlo Ancelotti ula dhaqmo mid ka mid ah ciyaartoydiisa khadka dhexe oo waliba dulmane ah, kaas oo fursaddiisu hoos usii dhacday kaddib ciyaartii finalka Spanish Super Cup ee Barcelona ay sida xun ugu garaacday magaalada Riyadh.
Carlo Ancelotti ayay ciyaartoyda qaarkood dareensan yihiin in aanu fursaddii loo baahnaa siinin ciyaartoygan halka kuwo kalena u arkaan in uu wali ku jiro tubtii uu ku dhisi lahaa xirfaddiisa.
Xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Eduardo Camavinga oo ay Real Madrid €31 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Rennes xagaagii 2021, ayaa qayb weyn ku lahaa guulihii Real Madrid ee xilli ciyaareedkii tegay ee ay qaadeen Champions League, LaLiga iyo Spanish Super Cup.
40 Ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay ayuu laba gool dhaliyey laba kalena caawiyey xilli ciyaareedkii tegay, hase yeeshee xilli ciyaareedkan socda ayay fursaddiisu hoos usii dhacday, waxaana 25kii ciyaarood ee ay kooxdiisu dheeshay uu ciyaaray toban ka mid ah, kuwaas oo waliba toddoba ka mid ah uu beddel ku yimid ama la saaray waqtigii nasashada.
Sida uu qoray wargeyska Relevo, Carlo Ancelotti ayaa sida uu ula dhaqmayo laacibkan waxay abuurtay in ay ciyaartoyda kooxdiisu ka sheekaystaan, waxaana la rumaysan yahay in ay isku dayayaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen dhibaatada haysata Camavinga.