Garabka kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech ayay warar cusubi sheegayaan inuu saxeexiisa u bandhigay kooxda Barcelona maalmaha ka hadhay suuqa January.
Laacibka ree Morocco ayaa Chelsea kaliya shan kulan ugu soo bilawday xilli ciyaareedkan oo dhan, fursadiisa ayaa u muuqata mid sii xumaatay kaddib lix saxeex oo ay Blues ku dhawaaqeen kaliya bishan.
Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Hakim ayaa doonaya inuu iskaga tago Chelsea maadaama oo uu ka baqayo inuu xulashada Graham Potter hoos uga sii dhaco.
Wuxuu dareensan yahay inuu Barca u noqon karo bedelka ciyaaryahanka shalay Atletico Madrid kaga biiray ee Memphis Depay.
In Chelsea ay suuqan oo kaliya lasoo saxeexatay xiddigo booska Ziyech ah oo kala ah Joao Felix, Noni Madueke iyo Mykhailo Mudryk ayaa farriin cad u ah Blues.
Sport ayaa sheegay in Ziyech uu horeba liiska xiddigaha ay doonayso Barca ugu jiray sanadkii hore kahor inta aysan Adama Traore iyo Ferran Torres ka dooran.
Tan iyo markii uu Chelsea 37-ka Milyan oo pound ugu yimid 2020 ayuu Hakim 97 kulan 14 gool iyo 11 caawimo ugu soo sameeyay.