Xiddiga ka tirsan xulka qaranka Brazil ayaa noqon doona maalqabeen ay sannadkii usoo hoydaan lacago tobannaan milyan oo dollarka Maraykanka ah oo aanay ku jirin lacagaha mushaharka uu u qaato, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah ciyaartoyda uu dakhliga ugu badan kasoo galo kubadda cagta.
Garabka midig ee weerarka Brazil iyo Real Madrid ee Vinicius Jr. oo Koobka Adduunka kaddib burburinaya heshiiska uu ula jiro shirkadda dharka ee Nike ayaa waxa albaabkiisa soo garaacay shirkadaha Adidas iyo Puma oo shaaciyey inay diyaar ula yihiin heshiisyo uu ku helayo lacago ka badan toban-jibbaar inta uu hadda ka qaato Nike.
Vinicius oo sannadkii lacag gaadhaysa £7 milyan oo Gini ka qaata shirkadda Nike oo uu kula jiro heshiis soconaya illaa sannadka 2028, ayaa waxay qareennadiisu daraasaynayaan sidii ay heshiiska uga bixi lahaayeen marka uu laacibkani dib ugu laabto Madrid ee uu soo dhamaado Koobka Adduunku.
Adidas iyo Puma oo iyaguna sameeya dharka iyo qalabka ciyaaraha ayaa waxa la sheegay in mid walba ay gaar ula soo xidhiidhay laacibkan oo ay usoo bandhigtay heshiis, waxaanay u ballan-qaadeen inay toban-jibbaarayaan lacagtii uu ka qaadan jiray Nike, taas oo ka dhigan in midkooda uu doorto ay sannadkii siin doonto £70 milyan oo Gini oo kaash ah, taas oo ay u dheer tahay mushaharkiisa Real Madrid iyo dakhliga kasoo gala xayaysiisyada kale ee uu sameeyo.
22 jirkan ayaa la sheegay in uu ka acadhooday in shirkadda Nike ay kaliya siiso kabaha Mercurial Series ee noocii hore, halka xiddigaha waaweyn ee kubadda cagtana ay noocyo cusub oo fiican ciyaarta oo ay waliba magacyadoodu ku qoran yihiin u naqshadayso. Waxa kale oo uu ka cadhaysan yahay in aan loogu yeedhin munaasibadaha shirkaddani qabsato.