Sida ay sheegayaan warar kasoo baxaya dalka Spain, Barcelona ayaa daawanaysa oo isha ku haysa garabka weerar ee kooxda Arsenal ee Gabriel Martinelli oo Brazil ku metelaya koobka aduunka.
Weeraryahanka Arsenal ayaa kulamo dhawr ah oo uu bedel ugu soo galay Brazil si fiican u muuqday halka uu muhiim ka ahaa in Arsenal hoggaanka Premier League hayso haatan.
Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Barcelona ayaa rag usoo indho-indheeya u dirsatay Martinelli iyadoo kooxdaasi sii wadaysa mudada sanadka ah ee ay daawanaysay 21 sano jirkaas.
Martinelli ayaa ah mid boosas badan oo weerarka ah ka ciyaari kara xilli uu 14 kulan Premier League xilli ciyaareedkan shan gool kusoo dhaliyay.
Xagaaga dambe marka la gaadho ayuu heshiiska Martinelli ee Arsenal kaliya hal sano ka hadhsanaan doonaa taas oo Arsenal ku qasbi karta inay iibiso haddii ay heshiis cusub ku qancin karo waydo.
Sida ay warbixintu sheegayso, Barcelona xidhiidh aad u wanaagsan ayaa kala dhaxeeya wakiilada iyo dadka Gabriel ka ag-dhaw waxayna si habsami leh isha ugu haysaa arrimaha heshiis kordhintiisa Arsenal.
Ugu dambayn, Martinelli ayaa ku faraxsan Emirates Stadium iyo mashruuca Mikel Arteta waxayna u badantahay inuu heshiis kordhin u samayn doono Gunners.