Inkastoo ay u soo baxeen wareega afar dhamaadka Koobka Adduunka ka dib markii ay rigoore ku garaaceen Netherlands, Lionel Messi ayaa ahaa mid careysan wareysigii uu bixiyay ciyaarta ka dib.
Kulankii wareega 8da ayaa ahaa kulan aan waxba la isku reeban iyadoo garsooraha uu bixiyay 15 kaadh hurdi ah taasoo rikoodh u ah kulan Koobka Adduunka ah.
Markii ay ciyaarta soo dhamaatay islamarkaana Messi uu isku diyaarinayay inuu wareysi siiyo warbaahinta Argentina ee TYC Sports, 35 jirkaan ayaa carradiisa xakameyn waayay isagoo aflagaado ugu dhaqaaqay mid ka mid ah xiddigaha xulka Holland oo goobta marayay.
Sida uu sheegay tifaftiraha wargeyska The Independent Migual Delaney oo goobta taagnaa, kabtanka Argentina ayaa ku yiri ciyaaryahanka: “Doqonyahow, maxaad iga soo eegeysaa?”
Ciyaaryahanka uu aflagaadeeyay Lionel Messi waa xiddigii Netherlands goosha u dhaliyay waqtigii dhimashada ciyaarta Wout Weghorst.
Halkaan Ka Daawo:
Messi 🤬😂
“Que miras bobo”
“What are you looking at you fool” #WorldCup pic.twitter.com/T9eItrMihX
— Sacha Pisani (@Sachk0) December 9, 2022
Messi ayaa magac dhabay Weghorst kaasoo dhaliyay labadii gool ee ay Netherlands ku barbareysay Argentina.
“Ma jecli dadka hadla ciyaaraha ka hor” ayuu yiri Messi. “Midka xiran lambarka 19 (Weghorst) wuxuu ciyaarta u soo galay inuu naga careysiiyo, wuu nagu dhacayay, wuu na aflagaadeynayay. Tababarahooda xitaa ma ahan mid ixtiraamka yaqaana.”
Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Waxay iigu muuqatay xushmad darro, tababare heerkiisa oo kale ah inuu sidaas u hadlo. Van Gaal ixtiraam uma hayo xulka qaranka Argentina.”
Messi ayaa ka carooday in Van Gaal uu kulanka hor sheegay in Messi uusan ciyaarta ka qeyb qaadanin haddii xulkiisa uusan kubada heysan.
Messi oo taas maanka ku haya ayaa markii uu rigoorada u dhaliyay Argentina, wuxuu ku hor dabaaldegay tababare Louis van Gaal, sida aad ka arki karto muuqaalka hoose:
Messi to Van Gaal 😭😭😭
— All About Argentina 🛎🇦🇷 (@AlbicelesteTalk) December 9, 2022
Argentina waxay wareega afar dhamaadka maalinta Talaadada la ciyaareysaa xulka Croatia oo iyagana rigoore uga soo gudbay xulka Brazil.
Wow
Gggh