Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Waa Kan Ugu Wanaagsan” – Ronaldo Nazario Oo Ku Raacay Mikel Arteta In Xiddig Ka Tirsan Arsenal Uu Ka Mid Yahay Ciyaartoyda Ugu Wanaagsan Dunida

by Abdiwahab Ahmed
December 2, 2022
0
“Waa Kan Ugu Wanaagsan” – Ronaldo Nazario Oo Ku Raacay Mikel Arteta In Xiddig Ka Tirsan Arsenal Uu Ka Mid Yahay Ciyaartoyda Ugu Wanaagsan Dunida

Halyeyga Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa ku raacay tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta in xiddiga ka tirsan Gunners uu ka  mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan waqtigan ee ka qayb-gelaysa Koobka Adduunka, kaddib markii uu beddel kusoo galay laba kulan oo Koobka Adduunka sidoo kalena uu bandhig heersare ah ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League xilli ciyaareedkan.

ADVERTISEMENT

Ronaldo Nazario ayaa waxa uu ammaan kula dul-dhacay Gabriel Jesus oo uu ku sifeeyey mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee weerarka ee Koobkaa Adduunka ka qayb-gelaya.

Gabriel Jesus oo la filayo inuu kusoo bilowdo ciyaarta Cameroon ee maanta oo uu beddelo Richarlison oo ay u badan tahaay in la nasin doono maadaama dalkiisu mar horeba usoo gudbay wareegga 16-ka inkasta, ayaa waxa Ronaldo Nazario oo la hadlayay wargeyska GE Globo waxa uu yidhi: “Gabriel Jesus maanta waxa uu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan dunida, aad ayaanu u koray marka loo eego 2018. Goolashu waxay u iman doonaan si dabiici ah, mana aha inay maskaxdiisa ka baxaan. Isagu waxa kaliya ee ay tahay inuu sameeyo waa inuu garoonka dhaxdiisa ka shaqeeyo, waanu garanayaa waxa uu samaynayo.”

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa hore hadalka Ronaldo Nazario oo kale uga sheegay Gabriel Jesus, waxaanu ku tilmaamay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunyada, gaar ahaan afka hore ee weerarka.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Share344Tweet215
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.