Kabtanka ahna mishiinka khadka dhexe ee Arsenal ayaa labarbar-dhigay xiddiga Muslimka ah ee uu Mikel Arteta ka caydhiyey kooxdaas ee Mesut Ozil, kaas oo iskaga tegay dalalka reer Galbeedka una guuray waddanka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Turkey.
Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa amaan kula dul-dhigay Martin Odegaard, waxaana uu ku tilmaamay inuu yahay mid waxyaabo badan oo qaab ciyaareedka ah uga eg Mesut Ozil.
24 jirkan reer Norway oo xilli ciyaareedkan bandhig heersare ah samaynaya, isla markaana ka caawiyey kooxdiisa inay toddoba dhibcood ku hayso hoggaanka horyaalka Premier League ayaa waxa uu isku darsaday hal-abuur, caawin iyo goolal uu dhaliyo.
Ferdinand oo ka hadlayay bartiisa YouTube-ka ee Five YouTube ayaa yidhi: “Arsenal waxay u muuqataa inay si dhab ah u tartamayso. Wiilashani waa kuwo halis ah, waxay hadda samaynayaan bandhig halis ah marka aad eegto kooxda, marka aad eegto sida ay u adag yihiin, laakiin Odegaard waxa uu u baahan yahay in si gaar ah loo xuso.
“Waxa aan sheegay markii laga dhigay kabtanka, in uu noqon doono laba mid uun: In uu culays badan garbihiisa fuulo ama in uu shidaal ka dhigan doono. Hadda waxa uu ku socdaa jidka saxda ah. Waxaabad moodaa inuu u ciyaarayo sidii Mozart (Mesut Ozil). Kubadda ayuu wareejinayaa oo uu dadka lugahooda u saarayaa, waxaabad moodaa Mesut Ozil oo heerkiisii ugu wanaagsanaa ku jira.”
Martin Odegaard ayaa 15 kulan oo Premier League ah u saftay kooxdiisa Arsenal xilli ciyaareedkan, waxaanu u dhaliyey toddoba gool iyo shan kale oo uu caawiye ka noqday.
Ozil ayaa isaguna Arsenal u ciyaaray 254 kulan oo uu u dhaliyey 44 gool iyo 78 uu caawiye ka noqday, laakiin 34 jirkan ayay isku dhaceen labadii tababare ee isku xigay ee Unai Emery iyo Mikel Arteta, taas oo keentay inuu iskaga tago Arsenal iyadoo qandaraaskiisa ay lix bilood ka hadhsan yihiin, waxaanu u guuray Turkey oo uu hadda u ciyaaro Istanbul Basaksehir.