Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Waa Inaan Burburiyo Saaxiibkay!” – Hanjabaadda Ay Isku Dirayaan Mbappe & Achraf Hakimi Ka Hor Kulankooda Morocco vs France Ee Semi-finalka Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
December 12, 2022
0
“Waa Inaan Burburiyo Saaxiibkay!” – Hanjabaadda Ay Isku Dirayaan Mbappe & Achraf Hakimi Ka Hor Kulankooda Morocco vs France Ee Semi-finalka Koobka Adduunka

Saaxiibbo isku dheer ayaa iskaaga hor iman doona semi-finalka Koobka Adduunka, kuwaas oo midkood uu ooyi doono isaga oo murugaysanna ku laaban doono dalkiisa, halka uu midka kalena dabbaal-degi doono oo isaga oo faraxsan uu isku diyaarin doono finalka.

ADVERTISEMENT

Xiddigaha Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe iyo Achraf Hakimi ayaa iyaga oo kala metelaya waddamadooda France iyo Morocco iska hor iman doona Khamiista, waxaanay illoobi doonaan saaxiibtinimadii kooxda  iyada oo mid walba uu u dagaallami doono difaaca dalkiisa.

Mbappe ayaa markii ay Morocco kasoo adkaatay Portugal waxa uu u diray hambalyo degdeg ah saaxiibkiisa Achraf Hakimi, ka hor intii aanay Faransiisku kasoo adkaanin England ee aanay semi-finalka iman.

Xiddiga xulka France ee Kylian Mbappe ayaa diray digniin culus mar wax laga weydiiyey Morocco, waxaana uu sheegay in uu doonayo in uu burburiyo xiddig ay saaxiibbo yihiin, kaas oo ah Achraf Hakimi oo ay waliba si toos ah iskaga hor imanayaan.

ADVERTISEMENT

Mbappe oo ka ciyaara garabka midig, waxay isku boos noqonayaan Hakimi oo ay tahay inuu xidho, halka isaguna uu doonayo inuu burburiyo.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Isaga oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyey ciyaaartan iyo inay iska hor imanayaan Achraf Hakimi, ayaa waxa uu Kylian Mbappe oo dhoola-caddaynaya, una muuqanaya in uu kaftamayo, waxa uu yidhi: “Waa in aan burburiyo saaxiibkay. Waxa aan doonayaa in aan burburiyo.”

ADVERTISEMENT
Share373Tweet233
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.