Amiirka waddanka Qatar ee Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa ku maamuusay xiddiga Argentina ee Lionel Messi khamiiska loo yaqaano Bishti oo uu Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ee Infanino uu u geliyey ka hor intii aanu guddoonsiinin Koobkii Adduunka.
Argentina ayaa markii ay rikoodheyaasha kaga adkaatay Faransiiska, waxa Lionel Messi oo taagan fagaaraha oo isku diyaarinaya in Koobka Adduunka gacanta laga saaro, waxa loo geliyey Khamiiska Bishti oo qiimaheedu taagan yahay 2000 dollar, waxaana arrintaas ka falceliyey Reer Galbeedka oo eedaymo u jeediyey xiddiga reer Argentina.
Bishti waa labbis ay xidhaan shaqsiyaadka caanka ka ah Qatar, sida amiirrada, boqorrada, imaamyada iyo dadka lacagta leh. Caadiyan waa maro madow oo leh layman dahab ah. Lionel Messi oo toddoba gool ka dhaliyey Koobka Adduunka, saddex kalena caawiyey ayaa uu Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani u hadiyeeyey, iyadoo sidoo kalena uu laacibkani ku guuleystay abaal-marinta kubadda dahabka ah ee ciyaartoygii ugu fiicnaa tartanka.
Warbaahinta reer Galbeedka iyo dad kale oo ay gadaal ka riixayeen ayaa ku eedeeyey FIFA iyo Messi in ay sameeyeen ixtiraam-darro oo ay maro madow ku qariyeen garankii xulkiisa ee ay ahayd in kalidii xidhnaado maadaama uu ku guuleystay Koobka Adduunka.
Si kastaba, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibeedda Qatar oo lagu magacaabo Lolwah Al-Khater ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ugu jawaabay reer galbeedka, waxaanu yidhi: “Way soo kordhaysaa waallida ay kuwa isla-weyn ee Yurub iyo reer galbeedku ka qaadeen Bishti-gii Lionel Messi. Miyaad ogtihiin in goonka qalin-jabinta jaamacaduhu uu kasoo jeedo dhaqanka labbiska Carabta? Waa dhaqanka Muslimiinta ee kasoo bilaabmay Jaamacadda Al-Qarawiyyan sannadkii 859kii, waxa alliftay gabadh Muslimad ah. Ma istidhaadheen waad ka badbadinaysaan gumaysigiina?”
Qamiiska messi loo gili ee Bishta 1 malyan oo doolar baa waxaa u gaaray suldaanka. Cumaan,
Ee 2000 kun ma jooga,korbuuna u sii socdaa,ee warka qiyaasta ah warkaada kale in la rumeystoow diidaa ama shaki kilinaa xaqiiqdiisa