Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa sheegay inay haysato cabsi weyn oo hadda kasii baxaysa, laakiin uu la noolaa bilihii ugu dambeeyey taas oo kaga imanaysay ciyaartoyda kasoo horjeedda oo ula dhaqmayay sidii aan fiicnayn.
Vinicius Junior ayaa waxa uu sheegay, in usbuucyadii ugu dambeeyey uu kasoo yaraanayay walwalka iyo walaaca ka haystay in ay difaacyahannadu dhaawacyo u geystaan, isla markaana ay seejiyaan Koobka Adduunka ee Axadda berri ka bilaabmaya waddanka Qatar.
Kaliya naftiisa uma aanu baqayn, waxaase sidoo kale xaaladdan oo kale ku jiray laacibka ay isku waddanka yihiin ee Rodrygo Goes ee ay u wada ciyaaraan Real Madrid, waxaana isku raacay kulamo badan oo xidhiidh ah oo ay ciyaareen bilihii ugu dambeeyey iyo inay dhibbaneyaal u noqdeen difaacyahannada oo isku dayayey inay waxyeello u geystaan.
Vinicius Junior oo waraysi bixinayay ayaa yidhi: “Rodrygo iyo anigu in badan ayaanu dhibaatoonay kulamadii ugu dambeeyey, waxa nasoo food-saartay cabsi daran oo ahayd in aanu dhaawacno oo aanu seegno Koobka Adduunka.”
Laba ciyaartoy ayaa uu sheegay inuu hal-beeg ka dhigtay, taasina ka caawisay inuu si geesnimo leh u ciyaaro oo ay ka tagto cabsidu, waxaanu yidhi: “Waxa aan wax badan ka bartay Neymar markii uu u ciyaaryaya Barca oo uu in badan dhibaatooday. Sidoo kale Cristiano Ronaldo markii uu Madrid joogay oo uu in badan dhibaatooday. Laakiin Karim ayaa ii sheegay in aan is-dejiyo sababtoo ah haddii ay difaacyahannadu ku eegtaan, waxay ka dhigan tahay in aad wanaagsan tahay, waanay kaa baqayaan.”