Edinson Cavani ayaa jajabiyay shaashada VAR ka dib markii Uruguay ay ka hartay Koobka Adduunka.
Uruguay ayaa laga reebay Koobka Adduunka ka dib guushii South Korea ay ka gaartay Portugal.
Xulka South America ayaa tartanka ka haray inkastoo ay 2-0 uga badiyeen Ghana ka dib labo gool uu u dhaliyay Giorgian de Arrascaeta qeybtii hore ee ciyaarta.
South Koreaayaa u soo baxday wareega 16ka madaama ay dhaliyeen goolal ka badan inta ay dhalisay Uruguay oo ay isaga mid ka noqdeen dhibcaha iyo farqiga goolasha.
Laakiin Uruguay ayaa ku dooday rigoore waqtigii dhimashada ciyaarta markaasoo uu Cavani ku dhex dhacay xerada ganaaxa.
Gool seddexaad oo Uruguay ay dhaliso waxay keeni laheyd inay wareega xiga ugu soo gudbaan farqiga goolasha.
Daawo Muuqaalka:
Laakiin garsoore Daniel Siebert ayaa diiday rigoorada taasoo ka careysiisay xulka Uruguay. Dhowr ciyaartooy ayaa garsooraha isku gadaamay markii ay ciyaarta dhamaatay iyagoo diyaar u ahaa inay la dagaalamaan.
Muuqaal cusub oo la helay ayaa muujinaya Cavani oo carro darteed jajabinaya shaashada VAR intii uu u sii socday qolka labiska.
Weeraryahankii hore ee PSG ayaa la arkayay isagoo feer ku dhufanaya shaashada VAR taasoo dhulka ku dhacday islamarkaana jabtay.