Goolkii barbarraha ee Manchester United ay ka dhalisay Manchester City ayaa uu muran ka dhashay, kaddib markii ay kooxda martida ahayd ku doodeen in offside ku jiray Marcus Rashford oo ahaa laacibka difaacyahannada ka jeediyey Bruno Fernandes oo goolka dhaliyey.
Ciyaartoyda Manchester City ayaa ka cadhooday go’aanka garsoore Stuart Attwell oo ka sokow goolka Fernandes uu ku barbarreeyey ka diiday rikoodheyaal sida ay ku doodeen, ka hor intii aanu Marcus Rashford ka dhalinin goolka guusha siiyey Manchester United.
Taageereyaasha Manchester City ayaa iyaguna baraha bulshada kaga falceliyey, iyadoo intii garoonka joogtayna ay ku qaylinayeen in goolkaasi aanu sax ahayn, hase yeeshee VAR ayaa sharraxaad ka bixisay sababta goolkaas loo ogolaaday.
VAR ayaa waxay sheegtay in kubadda baaska ah ee uu soo tuuray Casemiro aanu taabanin Marcus Rashford, sidoo kalena aanu u ordin dhinaca kubadda, sidaas daraadeedna uu sharcigu dhigayo in aan lagu qaadin offside.
Si kastaba, taageereyaasha Man City ayaa ka cadhooday go’aanka VAR, waxaanay falcelintooda kusoo badhigeen baraha bulshada.
Mid ka mid ah taageereyaasha Manchester City ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray: “Rashford waxa uu qayb muuqata ka ahaa weerarka, waxaanu ku jiray offside, markaa anigu wax fikrad ah kama haysto sida goolkaas loo ogolaaday.”
Taageere labaad ayaa isaguna yihdi: “Waan fahamsanahay in aanu kubadda taabanin Rashford laakiin waxa uu qayb ka ahaa weerarka, booskiisana wuu ka dhaqaaqay. Isaga ayaa kubadda ka tegay oo sabab u ahaa in Bruno kubadda uga hormaro daafaca. VAR waxay gaadhay go’aan waalli ah.”