Japan ayaa si la yaab leh ugu soo gudubtay wareega 16ka ee Koobka Adduunka ka dib guushi ay ka gaareen Spain, laakiin Jarmalka oo Koobka Adduunka laga reebaya ayaa weli cabanaya.
Xulka Spain ee lagu La Roja ayaa hogaanka qabtay ka dib gool uu u dhaliyay Alvaro Morata, waxayna waqtigaan u muuqata in iyaga iyo Jarmalka ay u soo baxayaan madaama Almaaniya ay hogaanka u heysay Costa Rica guruubka kale ee E.
Si kastaba, Japan ayaa sameysay soo laabasho cajiib ah markii Ritsu Doan uu darbo quwad leh ku barbareeyay Spain.
Ka dib Ao Tanaka ayaa yiri ka rog oo labo saar isagoo hogaanka u dhiibay xulkiisa.
Karooskii keenay goolkiisa ayaa u muuqday in kubada ay ka baxday garoonka, taasoo keeni laheyd in goolka la diido.
Markii hore garsooraha garoonka ayaa diiday goolka isagoo xukmiyay inay kubadu baxday ka hor inta uusan Tanaka goolka dhalinin, laakiin VAR ayaa dib u saxday go’aankaas.
VAR ayaa cadeysay in kubada ay weli garoonka ku jirtay madaama dhowr miilimitir oo ka mid ah ay saarneyd xariiqda garoonka ka hor inta uusan Mitoma kubada u soo celinin saaxiibkiis oo shabaqa ku taabtay.
VAR waxay sharaxaad ku bixisay in qeyb aad u yar oo miilimitir ah ay saarneyd xariiqda garoonka iyadoo sharciga uu dhigayo in kubada ay weli garoonka ku jirto marba haddii ay taabaneyso xariiqda garoonka.
Sawiro la qaaday ayaa muujinaya inay kubada u muuqato mid ka baxday garoonka, laakiin VAR iyo FIFA way ku adkeysteen go’aankooda.
Jarmalka oo iyagu isagu sabab ahaa inay ka haraan Koobka Adduunka ka dib markii ay ku mashquuleen waxyaabo ka baxsan isboortiga oo anshaxa xumo ah ayaa haatan marmarsiiyo ka dhiganaya goolkaas ku dhashay sida muranka leh.
It's a funny old game.#FIFAWorldCup pic.twitter.com/0L1FDot9rG
— Mirror Football (@MirrorFootball) December 1, 2022
Laakiin waxaa iyagana dhankooda ku qoslaya warbaahinta Ingariiska oo xusuusan wixii dhacay Koobkii Adduunka ee 2010 markaasoo gool sax ahaa uu Frank Lampard ka dhaliyay Manauel Neuer oo xariiqda goolka dhaafay laga diiday.