Tababaraha xulka Holland Louis van Gaal ayaa aaminsan halka ay liidato ciyaarta Lionel Messi ka hor kulankooda wareega sideed dhamaadka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Argentina.
Xulka Van Gaal ayaa tijaabo adag u maraya inay gaaraan afar dhamaadka iyagoo ku qasban inay ka badiyaan Argentina maalinta Jimcaha ee 9ka bisha Disember.
Xiddiga PSG ayaa durbaba Koobka Adduunka ka dhaliyay seddex gool iyadoo xulka Poland uu noqday kaliya xulkii ka hor istaagay inuu shabaqa soo taabto.
Van Gaal ayaa sheegay inay dejiyeen qorshe ay kula dagaalami karaan halista Messi.
Wuxuu xusay in Messi uu halis ku yahay fursad abuurka iyo gooldhalinta balse uusan ku fiicneyn kubad raacashada taasoo faa’ido u noqon doonto xulkiisa marka ay kubada heystaan.
Van Gaal oo u waramayaya NOS, ayaa yiri: “Messi xiddiga ugu halista badan ee xiddigaha hal abuurka leh, waxa uu awoodaa inuu fursado badan abuuro iyo inuu isaguba goolal dhaliyo.
“Laakiin marka Argentina kubada laga heysto, Messi ciyaarta kama qeyb qaato, waxayna taasi ina siineysaa fursado aad uga faa’ideysan karno ka maqnaanshihiisa ciyaarta.”
Markii la weydiiyay inuu sharaxaad dheeri ah ka bixiyo taatikadiisa, wuxuu diiday inuu wax badan ka sii hadlo isagoo yiri: “Waxaad arki doontaa Jimcaha. Idiinma sheegayo.”