Daafaca kooxda Liverpool Virgil van Dijk ayaa magacaabay xirfadlihii ugu fiicnaa ee uu abid ka garab ciyaaro – waana mid ka mid ah xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Reds.
Van Dijk ayaa haatan isku diyaarinaya in uu xulka qaranka Holland la ciyaaro Koobka Adduunka iyadoo 31 jirkaan uu kabtan u yahay xulkiisa.
Waxay u noqon doontaa guul weyn daafaca reer Holland kaasoo dhaawac jilibka ah ku seegay koobkii Euro 2020.
Van Dijk ayaa hogaamin doona koox ay ku jiraan Frenkie de Jong, Memphis Depay iyo Denzel Dumfries.
Mid ka mid ah su’aalaha la weydiiyay daafaca dhexe ee reer Holland ayaa ahaa xiddiga uu aaminsan yahay inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee uu abid ka garab ciyaaro.
Waxa uu ku jawaabay: “Waxaan dhihi lahaa Roberto Firmino, laakiin sidoo kale waxaan ogahay sida ay adag tahay in kubad laga difaacdo isaga.
“Gadaal ayuu u degaa, wax badan ayuuna qabtaa. Waxaan dhihi karaa isaga ayaa ah xiddigii ugu fiicnaa aan ka garab dheelay.
“Laakiin waxaan sidoo kale ka garab ciyaaray Mo Salah, Sadio Mane, Thiago, farxad ayay ii ahayd inaan la ciyaaro ragaan.
“Dhanka xulka qaranka xiddigii ugu fiicnaa aan ka garab ciyaaray waa Frenkie de Jong, run ahaantii aad ayuu u fiican yahay.”
Van Dijk ayaa ka garab ciyaarayay Firmino tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Southampton bishii Janaayo 2018.