Daafaca dhexe ee xulka Netherlands iyo kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa qaab dadban wax uga sheegay kooxda uu xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Manchester United xilli uu ka hadlayay da’yarka kooxdiisa ee Cody Gakpo.
Gakpo ayaa xiiso ka helaya qaar kamida kooxaha ugu wanaagsan Yurub kaddib bandhigyadiisii fiicnaa ee PSV oo uu ku darsaday kuwo uu Holland ugu muujinayo koobka aduunka.
Iyadoo ay kooxaha saxeexiisa lala xidhiidhinayo kamid yihiin Real Madrid iyo Man United ayuu Virgil Van Dijk si dadban u sheegay inaysan United ahayn heerka Madrid.
“Miyay Manchester United iyo Real Madrid isku heer yihiin?. Wax ixtiraamdarro ah uma jeedo, maya gabi ahaanba, hubaal waxaan filayaa inuu talaabada xigta qaaday” ayuu yidhi VVD.
“Waxaan dareemayaa inuu hubaal heshiis dhici karo, haddii ay tahay suuqa jiilaalka iyo haddii ay tahay suuqa xagaagaba”.
“Isagu waa wiil cajiib ah oo si adag u shaqeeya, waa mid aad u hibo badan hubaalna wax badan ayaa isaga ku jira. Aad ayaanu ugu faraxsanahay inuu si wanaagsan noogu ciyaarayo, waxaan rajaynayaa inay mudo dheer sii socoto”.
Gakpo ayaa ugu horrayn xiiso ka helay Man United kahor balse heshiiska ayaa burburay maadaama Red Devils diirada saarayeen Antony.