“Uma Baahni Inaan Ku Guuleysto Champions League Si Aan U Caddeeyo Wanaaggayga”

Bisha January ayuu isku diyaarinayaa in uu u dabbaal-dego sannad-guuradiisii 45aad ee dhalashadiisa, walina garoomada ayuu kusii jiraa hase yeeshee waxa uu macasalaamaynayaa kubadda cagta isaga oo aan nasiib u yeelanin in uu ku guuleysto Champions League.

Kalidii kuma aanay dhicin arrintani, waxayse soo martay ciyaartooyo kale oo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Ronaldo Nazario oo markii uu ugu dhowaa ay ahayd sannadkii 2007 oo uu qaybtii hore ee xilli ciyaareedka usoo dheelay Real Madrid, halka qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkana uu daawade ka  ahaa AC Milan oo koobka ku guuleysatay, haddana taasi marnaba shaki kama aanay gelinin in uu ahaa xiddig weyn oo soo maray taariikhda kubadda cagta.

Halyeyga Talyaaniga Gigi Buffon ayaa ku dooday, in aanu u baahnayn in uu ku guuleysto Champions League si uu u caddeeyo in uu yahay ciyaartoy wanaagsanaa.

Advertisements

Isaga oo la  hadlayay warbaahinta ayuu Gigi Buffon yidhi: “Wali sababo badan ayaan usii wadaa in aan ciyaaro, waayo waxa aan dareemayaa in aan xoogganahay oo aan tartami karayo, waxaanan qaadanyaa qayb dahab ah oo da’dayda ciyaareed ah.

“Waxa aan taaganahay da’dii aan go’aan kaga gaadhi lahaa in aan ciyaaraha ka fadhiisto iyo wixii kale ee aan doonayaba, sidaa darteed, waxa aan maamulayaa xaaladdayda, dookhyadayduna sababo ayay ku dhisan yihiin. Waxa aan kusoo laabtay Parma waayo waxa aan ku faraxsanaa in aan arko sida ay taageereyaashu iigu hanweyn yihiin.”

Gigi Buffon oo xulka qaranka Talyaaniga kula guuleystay Koobkii Adduunka 2006, ayaa la weydiiyey haddii uu dareemayo in uu seegay koob weyn oo ah Champions League, waxaanu ku jawaabay: “Waxyaabo badan ayaan kusoo guuleystay noloshayda, waxaanan soo helay koobab kale. Waan ku faraxsanahay in aan usoo dagaallamay guulaha, shaqsi ahaanna waxa aan hantay jacaylka taageereyaasha.

“Uma baahni in aan ku guuleysto siddeed Champions League, si aan u ogaado in aan ahay ciyaartoy wanaagsan. Xataa haddii aanan ku guuleysanin, waan ogahay waxa aan ahay.”

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada