Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

UEFA Oo Lagu Qasbay Isbeddel Ay Ku Samayso Sharcigeeda Kaddib Markii Ay Chelsea Lacag Ku Gilgishay Suuqa Iibka Ciyaarrtoyda

by Abdiwahab Ahmed
January 24, 2023
0
UEFA Oo Lagu Qasbay Isbeddel Ay Ku Samayso Sharcigeeda Kaddib Markii Ay Chelsea Lacag Ku Gilgishay Suuqa Iibka Ciyaarrtoyda

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa la sheegay inuu qaadayo tallaabooyin uu ku daboolayo gol-daloolooyin ay dibedda usoo saartay Arsenal oo suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January heshiisyo waqtiyo dhaadheer ah ka saxeexday dhawr ciyaartoy oo ay lasoo wareegtay.

ADVERTISEMENT

Chelsea ayaa sii wadda inay lacag badan kharash-garayso, waxaanay bishan oo kaliya la saxeexatay lix ciyaartoy. David Datro Fofana, Andrey Santos, Benoit Badiashile, Mykhailo Mudryk iyo Nomi Madueke ayaa dhamaantood heshiisyo rasmi ah saxeexay, halka Joao Felix ay isagana amaah kaga soo qaateen Atletico Madrid.

Mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa muujiyey inay ka go’an tahay inuu garab istaago Graham Potter oo uu usoo iibiyo ciyaartoy kasta oo uu u arko inuu dib u dhisayo kooxda, si ay uga soo kacaan kaalinta tobnd ee y kga jirn miiska kala-sarraynta Premier League.

Saxeexii ugu qaalisanaa ee ay sameeyeen ayaa ahaa Mudryk oo ay 100 milyan oo Euro kaga soo iibsadeen kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk, waxaana uu saxeexay heshiiskii ugu waqtiga dheeraa taariikhda kubadda cagta oo ah siddeed sannadood iyo badh. Arrintan ayaa ka dhigan, in UEFA ay lacagta laacibkan lagu iibsaday u xisaabin doonto £ 9.41 milyan oo Gini, iyadoo lacagtanna sannadkiiba qayb la bixin doono muddada siddeedda sannadood ah.

Kaddib heshiiskan waqtiga dheer, xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa la sheegay inay yeelanayaan kulan ay ku beddelayaan sharciga oo lagu cayimayo tirada sannadaha ay kooxuhu ku bixinayaan lacagta ay ciyaartoyda ku iibsadaan, taas oo laga dhigayo ugu badnaan shan sannadood.

Sharciga FIFA ee dhinaca iibka ayaa waxa uu dhigayaa in kooxda ciyaartoy iibsata ay tahay inay lacagta ku bixiso shan sannadood gudahood haddii ay labada dhinac isla gartaan, kamana badan karto muddadaas hase yeeshee UK ayaa la sheegay in aanay ka shaqaynin xayiraaddaas.

UEFA ayaa hadda arrintan sharci cusub kasoo saari doonta, si aanay kooxuhu u helin gol-daloolooyin ay sannado badan ku bixiyaan lacagaha. Waxa kale oo Chelsea indhaha kusoo jeediyey heshiisyada Datro Fofana oo toddoba sannadood iyo badh saxeexay iyo Badiashile oo toddoba sannadood saxeexay.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023
Share420Tweet263
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.