Xulka qaranka Morocco ayaa usoo gudbay wareegga 16ka Koobka Addunka, waxaana uu noqday dalkii labaad ee Afrikaan ah ee iska soo xaadiriya marxaladda labaad. Waxa kale oo usoo gudbay wareegga 16ka xulka qaranka Croatia oo reebay dalka aadka loo hadal-hayey ee Belgium oo wareegga koowaad ku macasaleemeeyey Koobka Adduunka.
Morocco ayaa 2-1 ku jiidhay Canada waxaanay kaalinta koowaad kaga soo baxday group-ka F, halka Croatia oo barbarro goolal la’aan ah la gashay Belgium ay kaalinta labaad kusoo baxday.
Xulka qaranka Morocco ayaa qaybtii horeba xaqiijistay inay soo baxeen, waxaana laba gool oo aanay waqti badan u dhaxaynin u kala dhaliyey Hakim Ziyech iyo Youssef En-Nesyri, hase yeeshee ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada ayuu difaaca Morocco ee Nayef Aguerd si kama’ ah goolkiisa ugu leexiyey kubbad iska difaacayay, waanu iska dhaliyey.
Daqiiqaddii afraad ayuu Ziyech furay gool dhalinta, isaga oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey goolhayaha Canada, balse En-Nesyri ayaa gool qurux badan ugu sii dheereeyey hoggaanka dalkiisa, halka daqiiqadihii ugu dambeeyey dhamaadka ciyaarta ay Canada heshay goolka samirsiisika ah.
Morocco ayaa yeelatay 7 dhibcood waxaanay kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group D, waxaanay noqdeen dalkii labaad ee ka socda qaaradda Afrika ee u gudba wareegga 16ka Koobka Adduunka. Senegal ayaa ka horreysay oo ahayd dalka koowaad ee Afrika ee soo baxa.
Dhinaca kale, xulka qaranka Croatia ayaa barbarro goolal la’aan ah ku qabtay Belgium oo fursado dbadan iska khasaarisay waxaanay sidaas ugu soo gudbeen wareegga 16-ka Koobka Adduunka iyadoo ay sidaas ku hadheen Belgium.
Morocco dheh wax baaa la iska hubiyaa intaanad wax soo qorin
Khaladku halkuu kajiraa