Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Tunisia Oo Guul-darro Kala Kulantay Australia, Group D Oo Xaaladdiisu Cakiran Tahay Iyo Fursaddii Afrika Oo Sii Yaraanaysa

by Abdiwahab Ahmed
November 26, 2022
0
Tunisia Oo Guul-darro Kala Kulantay Australia, Group D Oo Xaaladdiisu Cakiran Tahay Iyo Fursaddii Afrika Oo Sii Yaraanaysa

Xulka qaranka Australia ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay Tunisia kulan xiise badnaa oo isku sii murgiyey Group-ka D ee Koobka Adduunka, halkaas oo afarta waddan ee ku jira uu mid walba dagaallamayo illaa ciyaarta ugu dambaysa.

ADVERTISEMENT

Australia oo ciyaartii koowaad guul-darro 4-1 ah kala soo kulantay Faransiiska ayaa waxay saddex dhibcood ka xoogsatay Tunisia oo iyadna kulankii hore barbarro goolal la’aan ah la gashay Denmark.

Ciyaar xiise badnayd oo ka dhacday garoonka Al Janoub Stadium oo ay inta badan maamulayeen xiddigaha Tunisia ayaa waxa goolka madiga ah ee Australia ay guusha ku heshay madax ugu dhaliyey Mitchell Duke daqiiqaddii 23aad ee qaybta hore.

Australia

ADVERTISEMENT

Tunisia ayaa heshay fursado badan oo labadii qaybood ah oo aanay ka faa’iidaysanin, waxaana si adag ula halgamay goolhaye Mathew Ryan oo sameeyey badbaadin badan.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Souttar ayaa dibedda u saaray kubbad uu isku dhigay Drager oo ay taageereyaasha garoonka joogay iyo kuwa daawanayayba u qaadan waayeen sida ay ku geli weyday shabaqa, ka  hor intii aanu Msakni shabaqa la seegin kubbad uu Jebali ugu keenay xerada ganaaxa oo kaliya u baahnayd inuu dhinaca goolka u leexiyo.

45kii daqiiqadood ee qaybta dambe ayay Tunisia iska maamulanaysay ciyaarta, iyadoo Australia ay xidhatay difaaca oo ay kaliya weerarrro rogaal-celin ah samaynaysay.

Sliti iyo Jebali ayaa kubbad ay keeneen xerada ganaaxa waxa laad xor ah loogu dhigay Laidouni oo laad xor ah kaga toogtay masaafo 25 yard ah, balse waxay kubaddu ku dhacday McGree.

Dhamaadkii ciyaarta ayay ciyaartoyda Tunisia oo gool raadinayay iska illoobeen difaaca, waxaana laba weerar oo degdeg ahaa oo lagu soo qaaday ay halis geliyeen goolkooda, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Australia.

ADVERTISEMENT

Group-ka D waxa hoggaaminaya xulka qaranka France oo caawa fiidka la ciyaaraya Denmark, waxaanay haystaan saddex dhibcood oo ay ka heleen kulankii koowaad, waxaana labaad fadhida Australia oo iyaguna saddex dhibcood leh, halka Denmark iyo Tunisia ay min hal dhibic leeyihiin.

Share251Tweet157
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.