Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Tunisa Oo Noqotay Dalkii Koowaad Ee Afrikaan Ah Ee Dhibco Ka Hela Koobka Adduunka Ee Qatar Kaddib Markii Ay Goolal La’aan Ku Kala Baxeen Denmark

by Abdiwahab Ahmed
November 22, 2022
0
Tunisa Oo Noqotay Dalkii Koowaad Ee Afrikaan Ah Ee Dhibco Ka Hela Koobka Adduunka Ee Qatar Kaddib Markii Ay Goolal La’aan Ku Kala Baxeen Denmark

Xulka qaranka Tunisia ayaa noqday dalkii koowaad ee dhibic ka hela Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar, kaddib markii ay barbarro goolal la’aan ah la galeen Denmark oo ay ku wada jiraan group-ka D.

ADVERTISEMENT

Ciyaar aad u qurux badnayd ayay labada xul kusoo bandhigeen garoonka Education City Stadium, iyadoo qaybtii horena ay gacan sarraysay Tunisa oo muujisay sida ay ciyaarteedu u tahay mid qaan-gaadh ah inkasta oo aanay ka faa’iidaysanin fursado goolal loo qaatay oo ay heleen intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Xulka uu hoggaaminayo tababare Kadri oo cadaadis badan saaray difaaca Denmark, isla markaana muujiyey feejignaan dheeraad ah ayaa waxa fursad cajiib ahaa ka khasaariyey Laidouni oo goolhaye Schmeichel uu ka badbaadiyey goolkiisa.

Tunisia ayaa u dhowaatay inay hoggaanka ciyaarta qabato markii uu Jebali kubadda ula tegay goolhaye Schmeichel ee uu waliba ka dul-qaaday, waxaase uu goolhayaha khibradda badan ee Schmeichel uu gacanta midig kusii taabtay kubadda oo goolka kusii socota, taas oo keentay inay koorne u baxdo.

ADVERTISEMENT

Denmark oo ku wanaagsanayd kubbadaha dhinacyada laga keenayo, ayaa heshay lix koorne iyo tiro laadad xor ah qaybtii hore, balse waxa culays badan ay Tunisia saartay Christian Eriksen oo khadka dhexe lagu go’doomiyey, inkasta oo Andersen uu sameeyey isku day fiican oo lagu tilmaami karayay fursaddii ugu fiicnayd qaybta hore.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Denmark dedaal badan samaysay, waxaanay soo xoojisay weerarka taas oo keentay in dhawr jeer uu goolhaye Aymen Dahmen sameeyo dedaal shaqsi ah oo uu kula baxsaday xulkiisa.

Denmark ayaa shabaqa soo taabatay daqiiqaddii 56aad oo uu gool u dhaliyey Damsgaard, balse waa laga diiday iyadoo lagu qaaday offside ay asxaabtiisu kusii jireen ka hor intii aanay kubaddu isaga u imanin.

Christian Eriksen ayaa bannaanka ka toogtay kubbad uu lugta bidix ku liishaamay oo uu meel fog toogtay, waxaase la socday goolhaye Aymen Dahmen oo koorne u saaray.

Tunisia ayaa ku doodday in rikoodhe loo dhigo markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday difaaca Denmark, balse garsooraha ayaa u sheegay in ay koorne qaataan oo ay ciyaartu socoto maadaama aanu si badheedh ah ugu dhufanin gacanta.

ADVERTISEMENT

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay Tunisia naxday kaddib markii uu garsooruhu u cararaya dhinaca bannaanka garoonka si uu usoo hubiyo kubbad gacanta kaga dhacday Meriah oo isku dayayay inuu difaaco koorne, waxayse VAR xaqiijisay in aanay badheedh ahayn oo ay marka hore shafka kaga dhacday kubaddu.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah oo ay ku kala baxeen Denmark iyo Tunisia, waxayna kulamadooda xiga la kala ciyaari doonaan France iyo Astralia oo kula jira Group D.

Share258Tweet162
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.