Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Tottenham Oo Barbarro Ka Tuugtay Brentford Oo Nasiib-darro Ku Dhacday

by Abdiwahab Ahmed
December 26, 2022
0
Tottenham Oo Barbarro Ka Tuugtay Brentford Oo Nasiib-darro Ku Dhacday

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa u dagaallantay barbarro waqti dambe ah oo ay dhibic kaga xoogsatay Brentford oo laba gool kala hormartay labadii qaybood ee ciyaarta kulan kusoo dhamaaday 2-2.

ADVERTISEMENT

Tottenham ayaa iska lumisay fursad ay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League ku cidhiidhsan lahayd, isla maarkaana ay dhibco ahaan kula sinmi lahayd Manchester City oo booska labaad kaga jirta miiska kala-sarraynta, waxaana fursaddaas ka diidday Brentford oo ay ku dhacday nasiib-darro isla markaana qaybtii dambe ogolaatay in ay Spurs  meesha ka saarto laba gool oo ay la hormartay.

Laba gool oo lix daqiiqadood gudahood u dhaxeeyeen oo ay kala dhaliyeen Harry Kane iyo Hojbjerg ayaa Tottenham siiyey dhibcic ay ka xoogsatay Brentford oo 2-0 ku hoggaaminaysay ciyaarta.

Daqiiqaddii 15aad ayay Brentford hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii kubbad uu goolhaye Fraser Foster uu soo tufay uu goolka hortiisa ka helay Vitaly Janelt oo uu si fudud shabaqa u gaadhsiiyey.

ADVERTISEMENT

Hojbjerg

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee ciyaarta ee qaybtii hore, hase yeeshee Brentford ayaa sidoo kale la timid gool qurux badan oo uu u dhaliyey weeraryahanka reer England ee Toney, balse markii uu dabbaal-degga bilaabay lagu wargeliyey in uu offside ku jiray.

Tababare Antonio Conte oo ay kooxdiisu tabaysay xiddiga Brazil ee Richarlison ee dhaawaca kaga maqnaa, ayaa si adag u dagaallantay qaybtii dambe, hase yeeshee Brentford ayaa kaga nixisay gool labaad oo shaki aan la gelinin oo Ivan Toney uu daqiiqaddii 54aad ciyaarta kaga dhigay 2-0.

Torney

Thomas Frank ayay kooxdiisu is-dhigatay markii ay labada gool la yimaaddeen, waxaanay u qaateen inay guuleysteen taas oo keentay in Tottenham ay ka daba timaaddo oo ay labada goolba dhaliso.

ADVERTISEMENT

Harry Kane ayaa madax ku qabtay kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday difaaca amaahda ay kaga soo qaateen Barcelona ee Clement Lenglet, waxaana  uu ku hubsaday shabaqa daqiiqaddii 65aad.

Kane1

Kabtanka xulka England oo kaalinta labaad kaga jira tartanka kabta dahabka ah ee gool-dhalinta oo uu ka horreeyo Erling Haaland ayaa si weyn ugu dabbaal-degay goolkiisan, maadaama uu dib usoo nooleeyey kooxdiisa oo ay haysteen waqti badan.

Shan daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay Tottenham dhalisay goolkeeda labaad ee barbarraha oo uu u saxeexay Hojbjerg oo xerada ganaaxa ka helay kubbad uu kasoo shaqeeyey Dejan Kulusevski, waxaanay sidaas ciyaartu ku noqotay 2-2.

Tottenham ayaa dhamaadkii ciyaarta dalbatay in rikoodhe loo dhigo, hase yeeshee garsooraha ayaa ku wargeliyey in uu jiray offside.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2 ay dhibcaha ku wadaageen Tottenham iyo Brentford, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Spurs ay ku jirto kaalinta afraad oo ay haysato 30 dhibcood, waxaanay farqiga goolasha kaga dambeeyaan Newcastle United oo inkasta oo ay mar dhow ciyaarayso haddana sii xajisatay kaalinteedii saddexaad.

Share254Tweet159
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.