Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa bedelay aragtida ah ciyaartoyga uu u arko midka ugu fiican taariikhda kubadda cagta.
Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo isku jiil ah ayaa badi lagu sifeeyaa kuwa ugu fiican taariikhda kubadda cagta balse inuu Messi Axadii Koob aduun ku darsaday abaalmarinihiisii hore ee badnaa ayaa dad badan ku qasabtay inay aragtidoodii hore bedelaan.
Toni Kroos ayaa u muuqda mid jabiyay dayr adag oo ahaa in ciyaartoy hore u qabay aragtida ah inuu Ronaldo ka fiican yahay Messi isla markaana ay soo wada ciyaareen uu bedeli karo wixii uu aaminsanaa.
Kroos oo hore Ronaldo uga hadlaya ayaa yidhi “Maalmahayga kubadda cagta, Cristiano Ronaldo (ayaa ah midka ugu fiican taariikhda), waan u eexanayaa sababtoo ah wax badan oo muhiim ah ayuu ku darsaday inaanu Koobab badan ku guuleysanay”.
“Waxay ahayd wax xiiso leh oo cajiib ah inaan ka garab ciyaaro Ronaldo, kaliya maanu ahayn koox wadaag ee sidoo kale waxaanu ahayn kuwo jaar ku ah qolka labiska iyo nolosha gaarka ahba. Jaarkayga ayuu ku noolaa, taasi waa sababta ay aniga mamnuuca iiga tahay inaan Messi doortaa”.
Markale Kroos oo aragtidaas bedelay kaddib koobkii aduunka ayaa yidhi “(Messi) wuu u qalmaa, marka laga eego dhinaca bandhigyada shaqsiga ah ee koobabka, waligay ma arag ciyaartoy si joogto ah ugu ciyaara sida ninkan”.