Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

TODDOBA Ciyaartoy Oo Bilaash Kaga Tegaya Barcelona Oo La Shaaciyey

by Abdiwahab Ahmed
December 28, 2022
2
“Waxyar Oo Xishood Ah Hadaad Leedahay Fadlan Kubadda Cagta Ka Fadhiiso!!” – Jamaahiirta Barcelona Oo Jar-Jaray Xiddig Kooxdooda Ah

Toddoba ciyaartoy ayaa si xor ah uga tegi doona Barcelona marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda, taas oo kooxda ku keeni doonta in ay ciyaartooyo yaraani ku dhacdo, sidoo kalena ay qaarkood si weyn u tabi doonaan.

ADVERTISEMENT

Barcelona ayaa mashquul ku ah sidii ay xal buuxda ugu heli lhayd mustaqbalka ciyaartoydan oo qaarkood la rumaysan yahay in ay durba diyaar u yihiin inay kooxo kale wada-hadallo la yeeshaan bisha January ee maalmaha kooban ka hadhsan yahay.

Suuqii xagaagii ayay Barcelona samaysay toddoba saxeex oo cusub, laakiin dhawr bilood kaddib waxa furmaya albaabka bixitaanka oo ay ka dareeri doonaan dhawr ciyaartoy oo uu ugu horreeyo xiddiga reer Netherlands ee Memphis Depay oo si xor ah uga tegi doono Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Depay ayay dad badan saadaalinayaan in xataa aanu sugi doonin dhamaadka xilli ciyaareedka oo uu ka tegi doono bisha January iyadoo waliba aanay kooxdiisa Barcelona wax lacag ah ka helin inkasta oo maarkii horeba uu si xor ah ugu soo biiray.

ADVERTISEMENT

Difaaca bidix ee reer Spain ee Marcos Alonso waxa uu ka shallaynayaa in uu iskaga tegay Chelsea, waxaana ku dhacday boos la’aan iyo in wax fursad ah la siin waayay, waxaana la sheegay in tababare Xavi Hernandez uu hadda u arko inuu dheeraad ku yahay kooxda maadaama David Alaba iyo Balde ay kaga horreeyaan xulashada booska difaaca bidix.

Hector Bellerin iyo Sergi Roberto ayaa la sheegay in iyaguna ay ku jiraan liiska xiddigaha baxaya, balse laacibka weyn ee ay Barcelona isku dayayso inay sii xajisato ayaa ah kabtankeeda Sergio Busquets oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Goolhayeyaasha Arnau Tenas iyo Inaki Pena ayaa labadaba aanu mustaqbalkoodu sugnayn, waxaana la sheegayaa inay si xor ah uga tegi doonaan Camp Nou.

ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Share302Tweet189
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Comments 2

  1. Hamza says:
    1 month ago

    Qoraalku ma saxna wall David alaba maxaa meesha keenay

    Reply
  2. Dhiirane says:
    1 month ago

    David Alaba kulahaa ala ku wani horta ma xashiishad baa qabiga madoobaysay

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.