Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waayi doonta adeegga ciyaareed ee toban ciyaartoy oo kooxdeeda ah kulanka adag ee ay Sabtida garoonka Anfield ugu tegayaan Liverpool, waxaanay iskugu jiraan xiddigo la xaqiijiyey maqnaanshahooda iyo kuwo uu shaki ku jiro oo waqti dambe go’aan laga gaadhayo haddii lagu soo daraayo liiska kooxda.
Blues ayaa uu safkeeda ka mid noqon doonaa xiddiga labaad ee ugu qaalisan ee ay abid la saxeexdeen ee Mykhailo Mudryk oo ay kala soo wareegeen kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk, waxaana kaliya ka qaalisanaa Romelu Lukaku oo £97.5 milyan oo Gini ay kaga soo iibsadeen Inter Milan oo sannad kaddib uu amaah ugu laabtay.
Labada ciyaartoy oo muhiimka ah ee difaacyada labada dhinac ee Reece James iyo Ben Chilwell ayaa laga reebay safarka kooxdooda ee Merseyside, iyaga oo wali ku jira soo kabashada dhaawacyo waqti dheer ah, laakiin James ayaa la filayaa in uu kasoo horreyn doono Chilwell.
Graham Potter oo saxaafadda la hadlayay maanta ayaa sheegay, in uu dib u helay Ruben Loftus-Cheek oo kaydka ku jiray ciyaartii Crystal Palace, laakiin waxa uu qiray in uu u baahan yahay in si tartiib-tartiib ah uu jidh ahaan taam ugu noqdo oo ay khatar ku tahay inuu kusoo bilowdo.
Reece James iyo Ben Chilwell ayuu Graham Potter xaqiijiyey inay tababarka la qaadanayeen ciyaartoyda kooxda maalmihii ugu dambeeyey, balse ay waqti hore ku tahay ciyaarta Liverpool oo aanu ku dari doonin liiska xiddigihiisa ee kulankan.
Mudryk ayuu tababaruhu sheegay, in uu yahay ciyaartoy aad u wanaagsan oo qayb ka noqon doona kulanka Liverpool, laakiin uu wali u baahan yahay inuu la qabsado kooxda, isaga oo dhinaca kalena amaanay xawaaraha orodkiisa, sida uu ugu gooyo difaacyahannada iyo waliba in uu difaaca caawiyo.
Chelsea ayaa waxa ganaax saddex ciyaarood ah kaga maqan saxeexooda cusub ee Joao Felix oo kaadh casaan ah qaatay ciyaartii Fulham oo ahayd kulankiisii koowaad ee uu u safto Chelsea. Waxa liiska maqaneyaasha uu kula jiri doonaa Wesley Fofana, Denis Zakaria, Chrisian Pulisi, Edouaard Mendy, Broja iyo N’Golo Kante oo inkasta oo uu tababarka kusoo laabtay aan haddana taam buuxa ahayn.
Waa kuwan liiska xiddigaha Chelsea ka maqan kulanka Liverpool ee Sabtida
- Reece James – Dhaawac jilibka ah
- Ben Chilwell – Dhaawac muruqa ah
- N’Golo Kante – Dhaawac muruqa ah
- Wesley Fofana – Dhaawac jilibka ah
- Denis Zakaria – Dhaawac muruqa ah
- Christian Pulisic – Dhaawac jilibka ah
- Raheem Sterling – Dhaawac muruqa ah
- Edouard Mendy – Dhaawac farta gacanta ah
- Armando Broja – Dhaawac jilibka ah
- Joao Felix – Ganaax