Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa sharraxaad ka bixiyey sababtii uu Neymar rikoodhaha u laadi waayey kulankii xulka qarankiisu kaga hadhay Koobka Adduunka ee Croatia, waxaana uu ku adkaystay in aanu laacibkani samaynin wax qalad ah.
Neymar ayaa dalkiisa Brazil u dhaliyey gool qurux badan waqtigii dheeraadka ahaa, gaar ahaan daqiiqaddii 105aad, balse Bruno Petkovic ayaa barbarreeyey ciyaarta oo maraysa daqiiqaddii 117aad. RIkoodheyaashii la dhigayna waxa halyey noqday Dominik Livakovic oo laadkii koowaad ka qabtay Rodrygo, halka Marquinhos uu birta ka jaray.
Croatia ayaa guuleysatay oo dabbaal-degtay iyada oo aanu wali Neymar laadin rikoodhaha, sidaas ayaanay Brazil kaga hadhay tartanka.
Tite oo xalayba ku dhawaaqay inuu iska casilay Brazil ayaa difaacay Neymar oo lagu eedaynayay inuu sugayay laadka ugu dambeeya iyadoo xulkiisu ku jiro xaalad xun, waxaana Tite uu yidhi: “Waxa jiray cadaadis badan, rikoodheyaashana waxa tuurta ciyaartoyda sida ugu fiican ugu diyaar-garooba. Dhibaatada kaliya ee xulka haysatay waxay ahayd in aanaan dhalin wax ka badan hal gool intii ay ciyaartu socotay.
“Neymar waxa aanu u dooranay rikoodhaha shanaad, sababtoo ah waa midka ugu xaasaasisan ee culayska ugu badan lagala kulmo. Aniga ayaa u go’aamiyey inuu qaato rikoodhaha shanaad.”
Si kastaba, Tite oo ay da’diisu tahay 61 jir ayay xalay u ahayd ciyaartiisii ugu dambaysay ee uu hoggaamiyo Brazil oo 81 kulan oo uu tababare usoo ahaa uu u qaaday Copa America 2019.