Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Tijaabo Ayaan Ugu Soo Ciyaaray Real Madrid”- Xiddiga Barcelona Ee Aan Ahayn Pedri Oo Shaaciyey Inuu Tegay Madrid Ka Hor Imaatinkiisa Barca

by Abdiwahab Ahmed
December 23, 2022
0
“Tijaabo Ayaan Ugu Soo Ciyaaray Real Madrid”- Xiddiga Barcelona Ee Aan Ahayn Pedri Oo Shaaciyey Inuu Tegay Madrid Ka Hor Imaatinkiisa Barca

Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaaciyey inuu waqti tijaabo ah ku tegay Real Madrid ka hor intii aanu ka mid noqonin Barcelona oo uu hadda ka mid yahay xiddigaha ay ku xisaabtamayaan ee uu tababare Xavi Hernandez ka sugayo inay naadiga dib ugu soo celiyaan heerkii lagu yaqaanay ee ay hoos uga dhacday labadii sannadood ee ugu dambeeyey.

ADVERTISEMENT

Khadka dhexe ee Spain ee Pedri ayaa hore u sheegay in uu waqti tijaabo ah kusoo qaaday Real Madrid balse aanay Los Blancos la saxeexan, laakiin waxa hadda isaguna shaaciyey in sidaas oo kale ay dhacday weeraryahanka Ansu Fati oo ka  mid ah xiddigaha da’yarta Spain ee ugu cadcad waqtigan.

Ansu Fati oo sannadkii 2019 usoo dallacay kooxda koowaad iyadoo ay da’diisu tahay 16 jir ayaa waxa illaa hadda u saftay kooxdiisa 55 ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah, balse waxa dib u dhigay dhaawacyo waqti badan uu u jiifay oo xakameeyey fursadihiisa iyo korriinkiisa ciyaareed.

Fati ayaa waraysi siiyey wargeyska France Football, waxaana uu daboolka ka qaaday inuu tegay Real Madrid ka hor intii aanu ku biirin kulliyadda da’yarta Barcelona ee La Masia, waxaanu yidhi: “Waxa aan ka qayb-galay tartamo Futsal ah oo ka dhacay Spain aniga la ka mid ahaa Peloteros. Waxa aanu ku guuleysanay tartanka oo lagu ciyaaray Madrid. Waxa kasoo qayb-galay, Alletico, Real Madrid iyo Getafe. Ka hor intii aanan u saxeexinBarca, waxa aan tijaabo ugu tegay Real Madrid.

ADVERTISEMENT

“Waqtigaas kooxdu ma aanay haysanin meel ay dejiso ciyaartooyda da’da yar. Kaddib wada-hadallo dhexmaray aabbahay, waxa aanu go’aansanay in dookha wanaagsan uu yahay La Masia, marka aanu ka eegnay kubadda cagta iyo waxbarashadaydaba.”

Sidoo Kale Akhri

Liverpool Oo LABA Saxeex Kaga Farxinaysa Taageereyaasheeda & Wada-hadallada Sida Lama Filaanka Ah Ku Bilowday

Liverpool Oo LABA Saxeex Kaga Farxinaysa Taageereyaasheeda & Wada-hadallada Sida Lama Filaanka Ah Ku Bilowday

January 28, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

January 28, 2023
ADVERTISEMENT
Share302Tweet189
ADVERTISEMENT

Related Posts

Liverpool Oo LABA Saxeex Kaga Farxinaysa Taageereyaasheeda & Wada-hadallada Sida Lama Filaanka Ah Ku Bilowday

Liverpool Oo LABA Saxeex Kaga Farxinaysa Taageereyaasheeda & Wada-hadallada Sida Lama Filaanka Ah Ku Bilowday

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ugu dambayntii helay war ka farxiyey xilli ay u muuqanayeen inay ka quusteen suuqa...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Garoonka tababarka kooxda kubadda cagta Brighton & Hove Albion waa uu ka duwanaa saaka sidii uu hore u ahaan jiray,...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.