Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Thomas Tuchel & Saddexda Tababare Ee Real Madrid U Kala Dooranayso Beddelka Carlo Ancelotti Oo Kusii Jeeda Brazil

by Abdiwahab Ahmed
January 2, 2023
0
Thomas Tuchel & Saddexda Tababare Ee Real Madrid U Kala Dooranayso Beddelka Carlo Ancelotti Oo Kusii Jeeda Brazil

Thomas Tuchel ayaa noqday tababaraha ugu cadcad ee la filayo inuu noqdo macallinka Real Madrid ee beddeli doona Carlo Ancelotti, haddii uu khabiirkaa Talyaanigu go’aansado inuu iskaga tago Santiago Bernabeu dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo la sheegayo inuu kusii jeedo waddanka Brazil oo xulka qaranka dalkaasi doonayo inuu u beddelo Tite.

ADVERTISEMENT

Carlo Ancelotti oo qandaraaskiisa Real Madrid uu sannad ka hadhsan yahay ayaa dhowaan sheegay in aanay qorshihiisa ku jirin inuu ka tago Real Madrid, haddii aanay kooxdu eryin, laakiin waxa isasoo taraya wararka ku xidhiidhinaya xulka qaranka Brazil, inkasta oo uu caddeeyey in aanay wali cidina lasoo hadal.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa la sheegay, in uu durba kala xulanayo tababareyaasha u beddelaya Carlo Ancelotti, waxaana uu haystaa liis uu ugu sarreeyo Thomas Tuchel, sida uu qoray wargeyska Fichajes ee kasoo baxa waddanka Spain. Thomas Tuchel oo Chelsea kula guuleystay Champions League, ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo bishii September oo Blues ay si lama filaanah uga caydhisay shaqada.

Fichajes ayaa intaa ku daray, in liiska tababareyaasha uu Perez kala xulanayo uu kaalinta labaad kaga jiro Mauricio Pochettino oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii ay PSG shaqada ka eriday dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.

ADVERTISEMENT

Dookha saddexaad ayaa ah halyeygii Real Madrid ee Raul Gonzalez oo haddana ah tababaraha da’yarta Real Madrid. Raul ayaa Los Blancos oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay u ciyaaray 18 sannadood, waxaase uu dhamaadkii waayihiisa ciyaareed waqti kooban usoo ciyaaray Schalke 04.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Tababarihii xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa sidoo kle uu magaciisu ku jiraa liiska oo uu waliba yahay dookha afraad.

ADVERTISEMENT
Share296Tweet185
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.