Thomas Tuchel Oo Laga Masaafurinayo Magaalada London Oo Uu Sii Deggan Yahay Iyadoo Laga Caydhiyey Chelsea

Tababarihii hore ee Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa halis ugu jira in tarxiilo magaalada London iyo guud ahaan UK oo uu wali kusii nool yahay iyadoo laga caydhiyey Chelsea toddobaadyo ka hor, waxaana saamayn ku yeelanaysa ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub oo meesha ka saaraysa in uu sii joogi karo.

Sida uu kusoo warramayo wargeyska The Sun, Thomas Tuchel oo ay Chelsea eriday kaddib guul=darradii Dinamo Zagreb ee horraantii bishan isaga oo waliba kharash gareeyey lacag ka badan 250 milyan oo Gini oo uu ciyaartooyo kusoo iibsaday ayaa waxa  hadda dhibaato kusii ahaan doonta in uu sii deggenaado London.

Tababarahan oo Blues ay ku beddeshay Graham Potter oo ay kasoo qaadatay Brighton, ayaa waxa la sheegay in shuruucda UK ay ku qasbayaan in uu ka baxo dalkaas oo uu dib ugu laabto dalalka ka tirsan Midowga Yurub amaba Jarmalka uu u dhashay.

Advertisements

49 jirkan ayaa kaliya loo ogol yahay in uu ugu badnaan sii joogi karo 90 maalmood isaga oo aan shaqo haynin, sida uu dhigayo fiisaha shaqo ee uu UK ka haysto, waxaana markaas kaddib lagu qasbi doonaa in uu dalka ka  baxo.

wararka ayaa sheegaya, in Thomas Tuchel uu aad uga helay ku noolaanshaha  UK isla markaana  uu hadda raadinayo dookhyo kale  oo uu kusii joogi karo, gaar ahaan magaalada London oo isaga iyo xaaskiisa cusub lagu arkay iyaga oo bannaanada magaaladaas jooga maalintii Arbacada.

Thomas Tuchel ayaa Chelsea la wareegay January 2021, waxaana uu xilli ciyaareedkiisii koowaadba u qaaday Champions League, hase yeeshee Todd Boehly ayaa go’aansaday in uu shaqada ka caydhiyo iyadoo xilli ciyaareedkani bilow yahay.

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada