Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa doortay labada kooxood ee uu doonayo inuu midkood la wareego, afar bilood kaddib markii ay Chelsea si lama filaan ah shaqada uga caydhisay.
Thomas Tuchel oo lala xidhiidhinayo kooxo horyaalka Premier League ah ayaa u muuqda inuu iska beri yeelayo oo uu albaabada ka xidhanayo naadiyadaas, waxaana uu tilmaamay laba kooxood oo kaliya oo waqtigan niyaddiisa ku jira inuu layliyo.
Tababaraha reer Germany oo bilihii ugu dambeeyey baranayay luuqadda Spanish-ka, ayaa waxa uu waqtigan doonayaa in uu nasiimo kusii jiro oo uu kala doorto fursadaha horyaalla, waxaanay wararku sheegayaan in ay kaliya u qorshaysan yihiin in uu midkood tababare u noqdo Real Madrid iyo Barcelona.
Sida ay ku warrantay Sky Germany, Tuchel waxa uu doonayaa inuu u guuro waddanka Spain ee uu muddooyinkii dambe baranayay luuqaddiisa, waxaana uu rumaysan yahay in ay usoo bixi doonto fursad uu kula wareego Real Madrid oo heshiiska ay kula jirto Carlo Ancelotti uu sannad ka hadhsan yahay ama Barcelona oo uu hoggaamiyo Xavi Hernandez.
Real Madrid ayaa la rumaysan yahay inay tahay kooxda uu sida dadban niyadda ugu hayo Tuchel marka loo eego Barcelona sababtoo ah hoos u dhac ku yimid xilli ciyaareedkan ayay suurtogal tahay inay soo dedejiso in Carlo Ancelotti uu shaqadiisa waayo.