Xiddigaha khadka dhexe ee xulka qaranka Ghana ee Thomas Partey ayaa lagu eedeeyey inuu yahay ‘khaa’inul waddan’ oo uu dalkiisa khiyaano kula kacay kulankii ay kaga hadheen Koobka Adduunka ee xulka qaranka Uruguay ay guul-darrada 2-0 ah kala kulmeen.
Ghana oo afar dhibcood haysatay ayaa kaalinta ugu hoosaysa kaga dhamaysatay hormada H, waxaanay kaliya ay u baahnaayeen inay helaan barbarro balse Ghana ayaa laba gool oo shan daqiiqadood gudahood ah ka dhalisay, halka Ayew uu ka khasaariyey rikoodhe ay heleen.
Taageereyaasha xulka qaranka Ghana oo xasuusnaa sidii uu Luis Suarez uga reebay Koobkii Adduunak 2010 ee uu gacanta ugu qabtay kubbad goolka sii gelaysa, kaddibna rikoodhihii loo dhigay ay Ghana iska khasaarisay ayaa waxay hadda cadhada kula dhacayaan Thomas Partey oo ay khaayinul-waddan ku tilmaameen.
Partey ayaa markii ay dhamaatay ciyaartu waxay qolka labbiska ku kulmeen Luis Suarez oo ay aad u neceb yihiin taageereyaasha xulka qaranka Ghana, waxaanay kala baddasheen garamada, taas oo keentay in lagu tilmaamo inuu yahay ‘Khaa’inul waddan’.