Thomas Muller Oo Gurigiisa Loo Dhacay Intii Ay Socotay Ciyaartii Bayern vs Barcelona

Xiddiga Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa gurigiisa loo dhacay oo la baadhay intii ay socotay ciyaartii Champions League ee Barcelona ee xalay, taas oo markii ay dhamaatay uu ogaaday in wixii hanti ahayd ee taallay gurigiisa la qaatay.

Sida uu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Jarmalka, guriga Thomas Muller uu ka deggan yahay magaalada Munich ayaa la  jabsaday abbaaro 10kii fiidnimo ee saacadda magaaladaas, waana waqtigii ay socotay ciyaartii Salaasadii ay Bayern Munich 2-0 kaga badisay Barcelona  ee ka dhacday Allianz Arena.

Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyey, in budhcaddaasi ka dhaceen guriga Thomas Muller alaabooyin qaali ah oo iskugu jira lacago kaash ah, dahab iyo hanti kale oo tobannaan  kun gaadhaya, illaa haddana ma jirto cid loosoo qabtay balse waxa uu boolisku sheegay in ay bilaabeen baadhitaano.

Advertisements

Thomas Muller oo Salaasadii xalay u dabbaal-degay sannad-guuradiisii 33aad ee dhalashadiisa, ayaa isaga oo ku faraxsan guushii Barcelona ay ka gaadheen waxa markii ay ciyaartu dhamaatay lagu wargeliyey waxa dhacay.

Bayern Munich oo war kasoo saartay sababta uu Muller saxaafadda ula hadli waayey markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa sheegtay in laacibkan gurigiisa loo dhacay, sidaa darteedna uu hore u baxay isla markii ay ciyaartu dhamaatay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada