Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Ten Hag Oo Toos U Sheegay Xiddiga Uu Man United U Keensaday Si Uu Dhaqanka Kooxda U Bedelo

by Apdihakem Omer Adam
December 22, 2022
0
Ten Hag Oo Toos U Sheegay Xiddiga Uu Man United U Keensaday Si Uu Dhaqanka Kooxda U Bedelo

Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa shaaca ka qaaday sida uu saxeexa burburiyaha khadka dhexe ee Casemiro muhiim ugu ahaa kooxdiisa xagaagii.

ADVERTISEMENT

Tababaraha Dutch-ka ah ayaa Man United kusoo biiray kahor bilaabashada xilli ciyaareedkan xilli uu xilli ciyaareedkii hore kooxdaas mid madaw u ahaa.

Ten Hag oo kusoo biiray United kaddib wakhti guul ah oo uu Ajax lasoo qaatay ayaan bilaabashadiisa Red Devils xumayn kaddib 15 guulood oo uu ka helay 22 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Erik ayaa sheegay in markii uu kooxda imanayay uusan wax dareen ahi ka dhex jirin qolka labiska oo kooxdu ahayd mid aan lahayn dareen dagaal sidaas darteed uu la saxeexday Casemiro oo ah mid garanaya waxa loo baahan yahay si guulo loo gaadho.

ADVERTISEMENT

“Wax dareen xamaasadeed ahi ma jirin (Qolka labiska), wax dhaq-dhaqaaq kooxeed ah kooxda kama arkayn. Adayga maskax ahaaneed wuxuu ahaa mid aad u hooseeya, inuu midkoodba midka kale u dagaalamo, in muhiimada koowaad kooxda la siiyo, taasi dhab ahaan kooxda dhexdeeda kama jirin” ayuu yidhi Ten Hag.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023

“Inaan dhaqanka bedelaa waxa ugu muhiimsan ayay ii ahayd aniga, si aan sidaas uga helo (Qolka labiska) waxaad u baahantahay shaqsiyaad waaweyn, taasi waa sababta iibka Casemiro aad muhiim ugu ahayd, isagu wuxuu dedejin karaa nidaamkayaga sababtoo ah wuu ogyahay waxay tahay inaad samayso si aad koobab ugu guuleysato”.

Image

ADVERTISEMENT
Share357Tweet223
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa is-casilaya maalin kaddiib markii ay soo baxday fadeexaddii ugu xumayd...

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.