Tartankii Dheemanka Ree Brazil Ee Endrick Oo Waji Cusub Yeeshay & Kooxda Ku Gacan Sarreysa Real Madrid Iyo Barcelona

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa sii wada tartanka ay ugu jiraan da’yarka weerarka ree Brazil ee Endrick iyadoo haatan tartankoodu waji cusub yeeshay.

16 sano jirkaas kooxda Palmeiras ka tirsan ayaa durba caan ka dhex noqday indho-indheeyayaasha kooxaha waaweyn ee Yurub. Madrid iyo Barca ayaa u muuqda kuwo markale fool-ka-fool iskaga hor iman doona kaddib tartano hore ugu soo dhex maray ciyaartoy laga xusi karo Neymar Jr, Vinicius Jr iyo Rodrygo Goes.

Sida lagu sheegayo haatan wargeyska Sport Barcelona ayaa ah hoggaamiyayaasha cusub ee tartanka Endrick oo hore loogu badinayay dhinaca Real Madrid.

Advertisements

Sport aya sheegaya in wakiilo metelayay Barca ay u duuleen dhinaca magaalada Sao Paulo, ujeedada kulankan ayaa ahaa inay ku wargeliyaan xiisaha kooxda ee 16 sano jirkaas isla markaana soo ogaadaan dareenka ciyaartoyga iyo dhaqaale ahaan waxa heshiiskiisa ku baxaya.

Endrick ayaan wali u ciyaarin kooxda koowaad ee Palmeiras balse keydka usoo fadhiistay, dhawaan ayuu heshiiskiisii koowaad oo 32 Milyan oo euro lagu jabin karo saxeexay.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada