Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Tababaraha Ku Suntan Taariikhda Premier League Ee Loo Magacaabayo Xulka Qaranka Brazil

by Abdiwahab Ahmed
December 24, 2022
0
WARBIXIN: Waa Maxay Sababta Looga Baqayo Waddanka Brazil Koobka Adduunka Ee Sannadkan? Xasuusihii 1994 & 2002 Oo Dib Usoo Noqday

Xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa wali ku jira kala doorashada liis tababareyaal ah oo ay doonayaan in ay midkood u magacaabaan xulka qaranka dalkaas ee uu dhowaanta iska casilay Tite markii ay wareegga siddeedda kaga hadheen Koobkii Adduunka ee Qatar.

ADVERTISEMENT

Brazil oo shan jeer ku guuleysatay Koobka Adduunka ayaa ku hadhay meel aan la filayn sannadkan, waxaana iyaga oo ahaa xulka loogu saadaalin badan yahay ay ku hadheen wareeggii siddeedda, iyadoo ay Croatia ku garaacday rikoodheyaal.

Saacado kaddib markii ay hadheen waxa shir jaraa’id qabtay tababare Tite oo sheegay inuu iska casilay shaqada, taas oo ka dhigtay Brazil in ay noqoto tababare la’aan.

Sida uu qoray wargeyska La Repubblica ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa waxay mar horeba go’aansadeen in tababare ajaanib ah ay u dhiibaan xulka qaranka maadaama 20 sannadood ay kasoo wareegtay xilligii ugu dambaysay inay ku guuleystaan Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Sababta ay go’aankan u qaateen ayaa ah inay doonayaan in la hirgeliyo falsafad cusub oo ciyaareed oo ka duwan middii reer Brazil oo kaliya iyagu noqon jiray maacallimiinta xulka.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

La Repubblica waxa  uu sheegay in xidhiidhka kubadda cagta Brazil ay xidhiidh la sameeyeen tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho oo ay doonayaan in uu isagu noqdo tababarhahooda cusub, laakiin aanu kalidii ahayn ee ay sidoo kalena indhaha ku hayaan Carlo Ancelotti oo qandaraaskiisa Real Madrid uu ku egyahay sannadka  2024.

Wargeyska La Repubblica waxa uu intaa ku daray, in Brazil ay wada-hadallo toos ah kula jirto wakiilka Jose Mourinho ee Jorge Mendes oo ay isla eegayaan fursadda uu Special One ku noqon karayo tababaraha cusub ee Brazil isaga oo iskaga tegaya kooxdiisa Roma.

Jose Mourinho ayaa ka mid ah tababareyaasha ugu khibradda badan dunida waqtigan, waxaana uu kusoo guuleystay horyaallada dalalka Portugal, England, Spain iyo Italy, halka uu sidoo kalena laba Champions League qaaday.

ADVERTISEMENT
Share348Tweet217
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.